Lataliyihii Arimaha Amniga ee Donald Trump, Michael Flynn ayaa qirtay in uu been u sheegay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee magaceeda loosoo gaabiyo (FBI).

Mr. Flynn ayaa lagu qasbay in uu shaqada isaga tago kadib markii uu marin habaabiyay Aqalka Cad, taas oo ku saabsanayd kulamo uu la yeeshay saraakiil ka socota dalka Ruushka. Dacwadaha hadda loo heysto ayaa waxaa ka keenay ergayga gaarka ah ee baadhitaanka farogalinta Ruushka ee doorashooyinkii dhacay 2016-kii Robert Mueller.

Jimcihii shalay ahaa ayuu maxkamad kasoo hormuuqday Flynn, wuxuuna sheegay in hadalo been abuur ah uu u sheegay FBI-da. Labo sargaal oo sarsare oo ka tirsan kooxda Trump ayaa sidoo kale lagu heystaa arrimo ku saabsan xidhiidhka qarsoodiga ah ee Ruushka lala yeeshay.

Qirashadan iyo dacwadda ku socota Flynn ayaa ah culays wayn oo kusoo kordhay madaxweyne Trump oo la sheegay in uu xitaa ku cadaadiyay agaasimihii hore ee FBI-da James Comey in uu dib uga joogsado baadhitaankii uu ku hayay Flynn, kadibna markii dambe shaqada ka eryay Mr. Comey.

Arintan ayaa sidoo kale cadayn u ah in Flynn uu wadashaqayn la leeyahay xafiiska ergayga gaarka ah ee baadhitaanka fadeexadda Ruushka, lagana yaabo in xogo dheeraad ah bixin karo, kuwaas oo dhibaato ku ah Trump. Baadhitaanka Mr. Mauler ayaa la sheegay in uu dadaal dheer ugu jiro sidii uu usoo bandhigi lahaa faragalintii Ruushka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay