Koox naftood-haligeyaal ah oo ka kooban afar qof ayaa weerar ku qaaday jaamacad ku taalla waqooyi galbeed ee dalka Pakistan, halkaasi oo ay ku dileen 9 qof, kuna dhaawaceen in ka badan 35 kale.

Booliska Pakistan iyo ciidamada ayaa isku wareejiyay jaamacaddan beeraha ee ku taalla magaalada Peshawar, halkaasi oo ay ka billaabeen howlgal bad-baadin ah. Dagaal ay la galeen kooxda argagixisada ayaa qaatay dhowr saacadood, waxayna ku dileen dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay milatariga.

Waxay sidoo kale sheegeen in laba askari ay halkaasi ku dhaawacmeen. Inta badan dhibanayaasha weerarkan ayaa ahaa arday, sida ay sheegeen dhakhaatiirta isbitalka magaalada. Kooxda Daalibaan ee Pakistan ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan. Waxay sheegeen in jaamacaddan ay xidhiidh la leedahay sirdoonka Pakistan, ayna halkaasi ku dileen xubno ka mid ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay