Guddiga Gurmadka Qaran ee dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay wax u qabashada dadkii ay wax yeelladu ka soo gaadhay Qaraxii Zoobe ka dhacay 14-ka bishii October ee sanadkan ayaa sheegay in dhimashadu gaadhay 512 ruux.

Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ka tirsan guddiga ayaa sheegay in tirada dhimashada Qaraxii Zoobe oo ay ogaadeen in ay gaadhayaan 512 qof, isaga oo intaa ku darray in ay jiraan dad wali la la’yahay oo eheladooda baadigoob ku hayaan.

Qaraxan oo ahaa kii ugu xumaa ee taariikhda soo mara dalka Soomaaliya ayay horay dowladda Soomaaliya u shaacisay in ay ku dhinteen 358 ruux, laakiin waxaa hadda muuqata in tiradu ay sii korodhay. Dadka ay Eheladooda ku dhinteen Qaraxa ayaa helay gurmad kala duwan oo heer Waddani iyo mid Caalami intaba isugu jiray.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay