Wararka naga soo gaadhaya magaalada boosaaso ee gobolka bari Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in macalimiin kasoo jeeda Ogaadeniya lagu xidh xidhay magaalada Boosaaso.

Ma cada sababta dhabta ah ee loo xidhay macalimiinta waxaase marar badan sidan oo kale loo qabqabtay dad kasoo jeeda Ogaadeniya kuwasoo cadawga Itoobiya loo gacan galiyay markii danbe, hadaba waxaa nasoo gaadhay qaar kamida macalimiintii laga qab qabtay boosaaso magacyadooda waxaana kamid ah.

Mohamed Abdi Barkhadle
Cabdifataax Qaalib
Yaasiin Amiin sheekh Abdi
Mohamed gari go’an iyo midkale oo aanaan magaciisa haynin.

Macalimiintan ayaan war laga haynin ilaa hada meesha lagu xidhan waxaana loo malaynayaa in lagu hayo xero sirdoonka gumaysiga Itoobiya ku lee yahay magaalada boosaaso waxaana laga cabsi qabaa in ay u gacan galiyaan gumaysiga Itoobiya sidii kuwii ka horeeyay, macalimiintan ayaa waxay wax dhigayeen dugsiga Daarul Quraan faraciisa Masjidu Raxma.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha waxaan idiin kasoo gudbin doonaa dib inshaa alaaah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay