Waxaa malinimadii jumcaha ahayd ee ay taariikhduna ku beeg nayd 01/12/2017 magalada sanca ee dalka yemen Ka dhacay xaflad lagu maamuusayay maalinta hidaha iyo dhaqanka somalida Ogadenia xafladan ayaa waxay bilaabatay Sacadu markay ahayd 2:30 duhurnimo waxayna so gabgabowday Sacadu markay ahayd 7:30 habenimo.

Xafladan waxa ka soqayb galay dhamaanba Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka yemen sido kale waxa ka so qayb galay shacabka somaliyed ee ku dhaqan magaalada Sanca iyo masuuliyin ka socota Ha’yad ADRA, xafladan ayaa sidii caadada inoo ahayd waxaa lagu furfuray aayadaha qur’aanka kariimka ah oo uu soo jeediyay fadiilatul Sheekh Mahamed.

Intaasi kadib waxa qudbad dheer so jeediyay xoghayaha ururka dhalinyarad iyo ardayda Soomaalida Ogadenia halgame Mahamed cabdullahi Abdi oo ka hadlay taariikhda ururka iyo ahmiyada uu leeyahay ururka dhalinyaradu wuxuuna kula dar daarmay xubnaha ururka dhalinyarada OYSU inay sii labo jibaaran shaqadoodada ku aadan halganka xaq  ah ee ay JWXO hormuudka utahay.

Sido kale waxuu xoghayaha ka hadlay uuna soo jeediyay caruurta soo koraysa een arkin wadankodii hooyo inay lama huran tahay ina la baro hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee dalkoodii hooyo iyo qodobo halganka wax tar uleh

Sokale Waxa madasha ka hadlay gudomiyaha jaaliyad halgame mahamud geel oo qudbad dheer idaguna kasoo jediyay, waxaa kale oo qudbad soo jeediyay qudbad dhaxalgal ah xidhiidhiyahay jaaliyad Yemen halgame Luqman iyo halgame Bashir.

Hogaanka abaabulka halgame Ahmed nuur Ali halganto nimco xaaji iyo xubno kale oo badan ayaa madashii qudbado qiimo leh ka jeediyay dhamanba xubnahaasina waxay kawada hadleen arimo kusaabsan xaqnimada halganka Ogaadeniya iyo taariikhda guud ee halganka JWXO.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa lagusoo dhaweeyay gudoomiyaha ururka haweenka Ogaadeniya faraca Sanca yamen Marwo nimco xaaji waxayna soo bandhigeen dhamanba qalabkii hidaha iyo dhaqanka Soomaalida Ogadeniya.

Waxaan meesha ka maqnayn oo wacdaro kadhigay kooxda Horseed Qaran oo kusoo bandhigay suugan halgamed aad u qiiro galisay dhamaanba daawada yaashii kasoo qayb galay xafladan iyo waliba dhantooyin aad umacan.

Xaflada ayaa waxay gabagabdii kusoo dhamaatay waxaana si guul ah iyo jawi dagan

Mintid, Midnimo, Iskutashi Guul Allaahu Akbar.

ONA/Layla Ali Sanca Yamen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay