Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana magaalada dhagax buur ee xarunta gobolka Jarar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ay dad shacab ah ku xidh xidheen magaalada, dadkan shacabka ah ayaa waxaa naloo sheegay inay ahaayeen dad ka yimiday baadiyaha iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada oo ka adeegan hayay Suuqa uraagada magaalada dhagax buur.

Dadkan shacabka ah ayaa waxaa tiradooda naloogu sheegay 12 ruux oo shacab ah waxaana helay qaar kamida magacyadooda waxaana nasoo gaadhay

.Badrudiin Khaliif
.Mohamed Abdi muhumed
.Maryan Xaashi Dude
.Ardo Abdulahi Cali
.Sanyare oo aanaan magaciisa oo sadexan helin.

Waxaa kale oo dad shacab ah oo badan lagu qab qabtay meelaha magaalada laga soo galo iyo wadooyinka oo ay taagan yihiin ciidanka woyaanaha iyo maleeshiyaadka wax magarata ah ee dhaaraanka u ah ciidanka Woyaanaha.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha waxaan idiin kasoo gudbin doonaa dib hadii allaha awoodale yidhaahdo.

ONA/Dhagax Buur.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay