Waxaa wali ka socda magaaalada caasimadda ah ee Sanca ee dalka Yamen, dagaalo u dhaxeeya kooxaha falaagada Xuutiyiinta iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Yaman Cali Cabdalla Saalax.

Dagaaladan cusub ayaa waxaa ku dhintay Tobanaan qof boqolaal kalana waa ay ku dhaawacmeen sidda laga soo xigtay saraakiisha dalka Yemen. Iska hor imaadkan u dhaxeeyo Xuutiyiinta ay taageerayso dawlada Iiran iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Yamen Cali Cabdalla Saalax, ayaa bilowday maalintii Arbacada ahayd.

Labadan dhinac ayaa mid walba waxa uu doonayaa in uu gacanta ku dhigo goobo istaraatiiji ah sida dhismayaasha wasaaraddaha iyo madaarka caalamiga ah ee magaalada Sanca. labadan dhinac ayaa wali dagaal kula jira Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sucudi Carabiya oo si weyn u taageera xukuumadda Yamen ee dibad-jooga ah.

Dhinaca kale, dowladda Sacuudi Carabiya ayaa soo dhaweysay hadal ka soo yeedhay Cali Cabdalla Saalax oo ah in uu diyaar u yahay wadahadal uu lagalo Isbaheysiga. Basle Xuutiyiinta ayaa cambaareeyay hadalkan uu ku dhawaaqay madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay