Waxaa shir si wayn loosoo abaabulay isugu yimaaday Jaaliyada ee wadanka koonfur Afrika faraca Port Elizapeth shirwaynahan ayaa waxaa ka qayb galay gudoomiyaha jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeniya Admiral Mohamed Omar Osmaan iyo wafti uu hogaamin hayay shirka ayaa sidii caadada inoo ahayd waxaa lagu fur furay wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah waxaana soo jeediyay fadiilatu sheekh Caamir.

Shirka ayaa waxaa furay isla markaana shir gudoomin hayay gudoomiyaha jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Koonfur Afrika Faraca Port Elizapeth Halgame Abditaajir Axmed wuxuuna ka waramay shirka iyo ahmiyada uu u lee yahay jaaliyda sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay waftiga gudoomiyaha JWXO horkacaayay ee shirka martida ku ahaa.

Intaas kadib wuxuu kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeniya Halgame Admiral Mohamed Omar Osmaan wuxuu ka jeediyay qudbad aad u qiimo badan oo aad usoo jiidatay dhamaanba xubnihii kasoo qayb galay madashii shir waynaha, gudoomiyaha ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay xaalada guud ee ka jirta geeska afrika gaar ahaan kala yaaca xukuumada woyaanaha iyo kacdoonada ay wadaan qoomiyadaha kasoo horjeeda xukuumada dhiig yacabka ah ee TPLF.

shirka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay qaar badan oo kamida ahaa wafdigii gudoomiyaha weheliyay iyo xubnihii faraca Port Elizapeth waxayna dhamaantood ku dar daarmeen in lasii laban laabo halganka xaqa ah ee lagu doonayo in lagu xoreeyo dhulka soomaalida Ogaadeniya ee gumaysigu xooga ku haysto.

Shirka ayaa gabagabadii wuxu kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA/Port Elizapeth.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay