Muuqaalo lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa lagu arkayay maydka qof u’eg madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax, oo dhaawacyo halis ah ka gaadheen madaxa oo ay sidaan qaar ka mid ah maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen.

Qaar ka mid ah Xisbigiisa ayaa sheegay in uu run yahay warka ku saabsan dilka madaxweynihii hore ee dalkaasi Yemen Mr Salah, kaddib duqayn culus oo loo gaystay gurigii uu ka daganaa magaalada Sanca.

Laakiin haddana marka dhinaca kale la eego qaar ka mid ah taageerayaashiisa ayaa laga soo xigtay war ku saabsan in uu nool yahay madaxweynaha islamarkaana uu hogaamiyo dagaalka.

Sabtidii, Saalax wuxuu ku baaqay “in bog cusub la furo” oo uu taageerayo Mr Haadi, haddii isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo ay joojiyaan weerarka Yaman iyo xannibaadda xun ee ay ku hayaan.

Isbahaysiga iyo dowladda Cabdurabah Mansuur Haadi ayaa soo dhaweeyay hadalkaasi. Balse waxaa arintaan siweyn uga cadhooday Xuutiyiinta oo sheegay in Mr Salah uu afgambinayo isbeheysiga waligoodna Aamini doonin, madaama markii hore uu la safnaa Xuudiyiinta.

Wararka ku saabsan dhimashada Salah ayaa u muuqda kuwo wali isku dhax yaacsan oo aan la hubin, laakiin haddana marka la eego muuqaalada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa shaki badan galin kara nolasha madaxweynaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay