Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya mudaharaadyo rabshado wata oo aad uwaawayn oo gilgilay daafaha magaalada .

Sida xogta aan kuhelayno dhalinyaro aad ubadan oo mootalay ah ayaa subixii hore ee maalin nimadii shalay oo Isniin ahayd bilaabay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan xukuumada wayaanaha, dhalinta ayaa kabiyo diiday dhaqanka xun ee xukuumada wayaanaha iyo canshuur xoogan oo lagu soo rogay.

Taliska wayaanaha oo sanadihii lasoo dhaafayba waday boob iyo handadaad u kuhayay dadka shacabka ah ayaa mootalayda kusoo rogay canshuur aad ubadan, waxaana qofkasta oo mooto wada laga doonayaa in uu bixiyo 2500 oo birr bilkasta.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay ciidamada wayaanuhu culays kale oo dheeri ah saareen dhalinta mootalayda ah iyagoo ugu caga jugleeya in ay qayb kayihiin amaan xumida wadanka iyo magaaladaba kajirta, taas oo kalifta in lacago baad ah laga qaato.

Hadaba dhalinta mootolayda ah oo aad ucadhaysan ayaa bilaabay in ay taayaro gubaan isla markaana ay wadooyinka xidhaan, waxayna ciidamada wayaanaha kuqasbeen in ay xeryahooda kulaabtaan kadib markay isku dayeen in ay kala eryaan.

Dhinaca kale kacdoonka ayaa aad usii balaadhay kadib markay dad aad ubadan oo kacdoon wadayaal ah taageereen dhalinta mootalayda ah, wuxuuna manaan buxu noqday mid kufiday daafaha magaalada.

Dhinaca kale ciidamada wayaanaha oo baabuurta gaashaaman wata ayaa bilaabay in ay kacdoon wadayaasha hor istaagaan, halkaas oo iska hor imaadyo waawayn ay kadhaceen, ilaa iyo hada lama garanayo khasaaraha dhabta ah ee kadhashay mudaharaadkaas, hase yeeshee waxaa jira khasaare xoogan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.