War goor dhaw nasoo gaadhay ayaa sheegaya in xuduuda wadamada Sudan iyo Itoobiya ay kajirto cabsi iyo shaki laga qabo in dagaal uu dhex maro ciidamada labada wadan oo aad isugu sigtay.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamo aad ubadan oo kuhubaysan baabuurta gaashaaman oo wadanka Sudan laga leeyahay ayaa kasoo gudbay xuduuda labada wadan iyagoo gudaha ugalay wadanka gumaysiga Itoobiya.

Ciidamada wadanka Sudan oo aan lagaranaynin ujeedada ay usoo galeen wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa in badan gudaha Itoobiya soo galay waxayna arintaas cabsi iyo argagax kuriday dadka dagan xuduuda labada wadan ee shacabka ah.

Wariye madax banaan oo deegaankaas kusugan ayaa sheegay in ciidamada wadanka Sudan, markii lawaydiiyay ujeedadooda iyo sababta ay wadanka usoo galeen ay sheegeen in saaakiisha sarsare ee ciidamada Sudan ay bixiyeen amarka kusaabsan soo galitaanka wadanka Itoobiya.

Dhinaca kale ciidamada wayaanaha ee kusugan aagaas ayaan wax jawaab ah kabixinin talaabada ay qaadeen ciidamada Sudan, waxayna ciidanka wayaanuhu aad mashquul ugu yihiin xasuuqa iyo barakicinta dadka shacabka ah ee kacdoonka kala hor jeeda xukuumada wayaanaha.

Dowlada wadanka Sudan ayaa waligeedba saaxiib la ahayd xukuumada wayaanaha, lamana garanayo sababta kukaliftay in ay gudaha ugalaan wadanka Itoobiya iyagoo wata baabuur gaashaaman, hase yeeshee waxaa lafilayaa in ay udulqaadan waayeen ciidamada dhaqanka xun ee wayaanaha oo laga yaabo in ay gudaha wadanka Sudan wax kasoo sameeyeen.

Sidoo kale taliska wayaanaha ayaa wafti dag dag ah udiray wadanka Sudan si uu ugala xaajoodo colaada laga cabsi qabo ee labada dhinac iyo dhacdadii ugu dambaysay ee ciidanka Sudan ay kugaleen wadanka Gumaysiga Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.