Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada ay maalin nimadii shalay soo gaadheen wafti heer sare ah oo kasocda dowlada Maraykanka.

Sida xogta aan kuhelay waftiga Maraykan ka ah ayaa wada xaajood lagalay xukuumada wayaanaha, iyagoo kala hadlay xaalada sanadaha badan cakiran ee uu kusugan yahay wadanka gumaysiga Itoobiya.

Dowlada Maraykanka ayaa dhowr jeer kahadashay gumaadka aan kala sooca lahayn ee ciidamada wayaanuhu ay kuwadaan shacabka aan is difaaci karin ee ree Itoobiya, waxayna dowlada Maraykanku kadigtay cawaaqibka kadhalan kara talaabooyinka ay qaadayaan ciidanka wayaanuhu.

Waftiga kasocda dowlada Maraykanka ayaa umuuqda kii ugu dambeeyay ee lagaga quusanayo xukuumada wayaanaha, waxayna waftigu si dhab ah ula hadlayaan taliska dhaqan xumida ku caanbaxay ee wayaanaha.

Dadka dhaqanka wayaanaha yaqaana ayaa sheegaya in soojeedinta waftiga Maraykanku ay tahay hal bacaad lagu lisay, waxaana laqiyaasayaa in dhagna ay kumaqlayaan dhagta kalana ay kasiidaynayaa.

Hase yeeshee xukuumada wayaanaha ayaa amar diidada iyo wada shaqayn la’aanta ay aduunka kuhayso kala kulmi doonta cawaaqim xumo, waxaana lagaadhay xiligii dowladaha daneeya arimaha Itoobiya ay si dhab ah wax uga qaban lahaayeen xukuumada wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.