Magaca alaan kubilaabayaa asagaana barakaysanaynaa naxariis iyo nabadgaliyana Nabigeena korkiisa alaha yeelo.

Gumaysigii Cadaa ee ku habsaday guud ahaan Qaarada Afrika gaar ahaana cariga Soomaalida waxaa kamid ahaa meelihii uu dagay ee uu ukunta dhigtay Dhulka looyaqaan Soomaali-Galbeed ama Ogaadeenya. 1954 ayay ahayd markii uu Gumaysiga ingiriisku kuwareejiyay dhulka Soomaali-Galbeed dhiigya-cabkii xiligaas itoobiya katalinaayay.

Laga bilaabo taariikhdaas aan kor kusoo xusnay ilaa maanta oo aan marayno sanadka 2017 waxaa udhaxeeya 63 sano waxaa gobalkaas kasocday Hardan udhaxeeya Gumaystaha Itoobiya iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ku haminaya in ay iska kor qaadaan heeryada gumaysiga ee lafactirsatay.

Marnaba Xabadu kama istaagin Deegaanka kolba meel ay talo iyo tabaru joogtaba wuuxuna Gobalku isku badalay furun dagaal oo hardanku kasocdo maalin iyo habeenba. Gumaysigu gogal nabada muusan seexan geesiyaasha halgamayayna geeri waa utaagnaayeen gabal-dhac iyo maalinba, mar walba oo urur ama jabhadi baaba’dana waxaa la samaynayay mid kale oo halkii halganka kasiiwada.

Gayiga in laxoreeyo waxay ahayd guul aan kutaamaynay goortay doontaba hanoqotee, riyadaas waxaa lagu waayay oo naftooda ubixiyay Rag aad uqaali ahaa oo qalbiga meel wayn kaga qoran, kumanaan caruur ah ayaa u agoontoobay, kumanaan gabdha ah ayaa asay uqaaday oo ugarooboobay, hooyooyin aan lasoo koobikarina way ku gablameen.

Ma rabo in aan taariikh dheer dib ugu laabto oo waxaan isleehay cidii gobalka dan ka leh way kawarhaysaa ama way heli kartaa Taariikhdiisii iyo wixii loo soomaray, waxaanse rabaa in aan tilmaamo halganka Deegaanka Waxaa garab iyo gacan u ahaa Bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kajoogaan.

Ayagaa martigalinayay Mujaahidiinta, ayagaa magan galinayay markay soo maciinsadaan, oo ayagaa qaaraan iyo qalbi wanaagsan la garabtaagnaa, intii ay xaaladu saas ahaydna Itoobiya khatar bay gashay godkeedii bayna biyo ugu galeen Gobalkuna in uu faraheeda kaboxo ayuu u dhowaaday wakhtiyada qaar.

Burburkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya kadib ururadii dagaalamayay oo ahaa Al-Itixaad (UWSLF) iyo ONLF Waxaa ka hor yimid xaalado cakiran oo kasoo wajahay nimankii wadanka qaybiyay ee loo yaqaanay Hogaamiya kooxeedyada ama”Warlords”-afka qalaad-hadana qaarkood maamulka Dowlda Farmaajo meelaha usareeya ay hayaanba.

Nimankan waxay ku xidhnaayeen Itoobiya waxayna noqdeen wakiilada rasmiga ah ee Itoobiya ujooga Soomaaliya ayadoo shaqooyinka loo xilsaartay ay ugu muhiimsanaayeen in ay soo dhiibaan Xubno katirsan ururada kasoo horjeeda itoobiya ee kunool muqdisho, wixii qabashadoodu suuragali waydana in lagudilo meeshiisa, halkaasna Waxaa lagu dhiibay rag badan waxaana lagu laayay muqdisho dhaxdeeda Kuwa kale waana mida uu ka gabyay Abwaan Cabdirisaq Dheere, wuxuu soo wada hadalkaba waxuu yidhi:
*_Kuwa xaaladaa kugu falee xumaha kuugaystay.
*_Xabsiyo jeela kugutuuray ee xabashi kaa iibshay.
*_ xigto iyo qaraabiyo hadaad xilaaho soomooday.
*_ xanta waxay dhahaan nimanku waa xoolahoo kalae.
-* xamaaqiyo in aad doqon tahay kugu xifaalayne.
*_ hadaad adu xoriyad raadiniyo calan xayaabeeya.
-* isgu xadhig xidhkaas buu rabaa gaal laxoogsigaye.
*_ ana in aan xisaabaha rog rogo igu xaqweeyaane.

In rag ladhiibo loona gacangaliyo itoobiya ma aha Xaaja ugub ah mana aha markii ugu horaysay ee ladhiibo Xubno katirsan Ururada xoriyada iyo Xuquuqda raadinaya, Waxaa arintaan Shaqo joogta ah kadhigtay Madaxada maamul goboleedyada sida Puntland iyo Somaliland.

hogaamiyayaasha labadan maamul ee aan soo sheegnay waxay kamid ahaayeen kuwii itoobiya kula saaxiibay hadiyay iyo martigaliyana uga dhigay in ay gataan walaalahood soomaaliyeed oo marti u ahaa kuna soo cararay cadowga dhulkoodii ku habsaday, iskadaa Nin urur katirsane Waxaa ladhiibay macalimiin Qur’aan oo maamuladan ku dhaxnoolaa ayagoo magacyo kale loobixiyay.

Maalin dhow bay ahayd mana dheerayn waa Jul 2016 markii maamulka “Ehlusuna wal Jaamaca”ayaguna ay dagaal ku qadeen koox kamid ah Ciidanka ONLF halkaas oo ay kudileen Dhowr nin oo uu Sh Deeq kujiro kuwa kalana ay Dhiibeen. Dhiibitaanka iyo iibsiga Cabdikarim Sh Muuse”Qalbi-dhagax” oo ah nin aad loo yaqaanay kuna jiray Gudida Fulinta ee ONLF ayaa kaga badalan kuwii hore dhowr arimood:

A- Waxaa Cabdikarim dhiibay Madaxwaynaha Jamuuriyada Fadaraalka Soomaaliya.
B- Cabdikarim wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo magan u ah dadka Soomaalida ah ee laga dhaxqabtay.
C- Farmaajo wax yaabihii ugu muhiimsanaa ee lagu doortay Waxaa ka mid ahaa in uu yahay nin han leh necebna cadawga Soomaaliya ee soo jireenka ah.
Waxaa xaqiiq ah in Dowlada Farmaajo ay dhiiqo dhaxfadhido si ay ooga dabaalatana aysan suuragal ahayn, waxayna furtay bog mugdi ah oo dhalaanka soo koraya ku sheekaysan’doonaan.

Maxay saamayn yeelankartaa arintani:
1- Waxay hoos udhigaysaa rajada Ururada Kasoo horjeeda itoobiya kadib markay arkeen sida ay madaxda Soomaalidu uhoojisay cadowgoodiina ay uga hiiliyeen.
2- Arintan waxay abuuri kartaa Cuqdad iyo colaad sababta ururka ONLF in uu heshiis lagalo hoostana gashado Dowlada Itoobiya si uu usoo aarsado dhibaatadii kasoo gaadhay maamulada Soomaalida.
3- Farmaajo wuxuu waayay ama waayi doonaa kalsoonidii inbadan oo kamid ah Shacabkiisa waxayna u arki doonaan in uusan waxbadan kaduwanayn ragii ka horeeyay.

Ugu danbayn waxaan rabaa in aan cadeeyo laba arimood:
A- in aanan katirsanayn wax urur ah waligayna ONLF ma noqon, bal aad baan uga aragti duwanahay, waxaanse u arkaa maanta in ladulmiyay in loo hiiliyana ay waajib tahay, arintana waxay igu noqotay argagax iyo layaab!!!

B- Waxaa jira asxaab badan oo arimaha qaar aan ku kala aragtiduwanahay waxaan jeclahay in aan is ixtiraamno nin walbana uu cabiro sida ay ula muuqato.

W/Q.   Sheikh CabdiNuur Bashaash

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.