Benjamin Netanyahu, Ra’iisul-wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in uusan shaki ka qabin in dalal kale ay raaci doonaan Maraykanka, ayaga oo magaalada Qudus u aqoonsanaya caasimadda dalka Israel, Kadib marka safaaradda Maraykanka loo raro halkaas, ay sidoo kale kuwooda u rari doonaan.

Netanyahu ayaa sheegay in dowladdiisa ay xidhiidho la samaynayso dalal kale, hase yeeshee ma uusan magacaabin kuwa ay yihiin. Milatariga Israel ayaa shalay ku dhaawaqay ciidamo dheeraad ah oo la geeyey Daanta Galbeed, ayada oo la isku diyaarinayo rabshado halkaas ka dhici kara.

Go’aanka Trump ayaa badalay siyaasad sanado badan u daganayd Maraykanka oo ku aadan Qudus, waxayna horudhac u tahay in safaaradda Mareykanka laga raro Tel Aviv oo la geeyo magaalada barakaysan ee Qudus.

Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas ayaa sheegay in tallaabada Trump ay la macno tahay ayada oo Maraykanka uu ka baxay doorkii dhexdhexaadnimo ee nabadda bariga dhexe. Sidoo kale hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh ayaa ku baaqay kacdoon cusub oo Falastiiniyiinta ay uga soo horjeedaan Israel, kaasi oo billaabanaya maanta oo Jimce ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay