Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa in uu burbur qara usaaran yahay urur kusheegii EPRDF, kaas oo gabi ahaanba u adeegi jiray shacabka qoomiyada Tigreega iyo waliba madaxda sare ee TPLF.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa meel halis ah gaadhay khilaafka udhaxeeya kooxda EPRDF, kadib markii uu soo dhamaaday shirkii aan micnaha samaynin ee kooxda TPLF mudada uga socday magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigreega.

Ninka taliska wayaanaha wakiilka uga ah Gobolka Axmaarada oo lagu magacaabo Gedu Indergajew oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in aan loodul qaadan karin waxa kasoo baxay shirkii magaalada Maqale uga socday kooxda TPLF.

Gedu Indergajwe ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in Abay Woldu xilka qaadis lagu sameeyo, wuxuuna intaas kudaray in Gobolada Oromada iyo Axmaaradu loobaahan yahay in ay u heshiin cadawgooda oo uu kusheegay kooxda xisbiga EPRDF bahwadaagta la ah ee TPLF.

Gedu Indergajew ayaa lasheegayaa in uu dareemay culays aad ubadan oo kaga imaan doono kooxda guulaysatay ee TPLF, kuwaas oo katakhalusay saaxiibadiisii ay wada qadhaaban jireen oo uu kamid ahaa Abay Woldu.

Gedu Indergajwe oo lahadlay wakiilka wayaanaha ee Oromia Lama Magarsa ayaa codsaday in hal meel ah looga soo wada jeedsado kooxda TPLF oo uu kusheegay kuwo qowlaysato ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay