Tababar laba billood socday ayaa lasoo xidhay todobaadkan waxaana ka qalin jabiyay koox isugujira Wiilal Iyo Gabdho kuwaas oo durbaba ka bilaabay shaqo Radio Xoriyo iyo qeybo kale oo kamid ah warfaafinta.  Warfaafinta Ururka ayaa hadiyo jeer bixisa Siminaaro iyo tababaro ay siinayso Xubnaha warfaafinta si kor loogu qaado tayada iyo aqoonta xubnaha cusub ee raba inay ku shaqeyaan xirfada Wariyanimo ee Idaacadaha iyo TV-ga ama howlaha kale ee la xidhiidha ‘Mediaha’.

Xubnahan cusub ee tababarka usoo dhamaaday ayaa sidii loogu talagalay u qaatay casharadii iyo tababaradii loogutalagalay oo socday muddo laba bilood ah. Waxaana laga dheehan kara xirafada ay barteen  iyo qaabka sareeya ay wax u barteen Radiyo Xoriyo.

Howlwadeenada cusub ee kusoo biiray Radiyo Xoriyo waxay durba qeyb libaax leh ka qaateen Idaacada Radiyo Xoriyo ee baxday galabta iyo barnaamijyadi u danbeyay ee kan ka horeeyay. Waxa sido kale ay daadihin doonaan Barnaamijyada idaacada ee inagusoo fool leh.

Aggaasimaha Idaacadaha Ogadeniya iyo Guddomiye Ku Xigeenka Warfaafinta Ururka ayaa noo sheegay in tababarkan ahaa mid lagu guulaystay waxa uuna kamid yahay shaqo maalmeedka H/warfaafinta. Waxa aan aad ugu faraxsanahay ardeydan qalinjabisay oo ah dhalinyaro maskax furan oo rabta inay bartaan xirfad cusub.

Waxaa sidoo kale lafuray Websitekii Radiyo Xoriyo oo cinwaankiisu yahay (www.radiyoxoriyo.com)  Radio Xoriyo  waa idaacada ugu caansan ee laga dhageysto dhulka Somalida Ogadeniya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay