Xaydar Al-Cabaadi, Ra’iisulwasaaraha dalka Ciraaq ayaa shir ka socda magaalada Baqdaad ka sheegay in ciidammada Ciraaq ay si buuxda gacanta ugu dhigeen xadka Ciraaq iyo Suuriya.

Goobihii u dambeeyay ee ku hadhsanaa gacanta kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka (Daacish) ayaa ku yaalay agagaarka xadka ka dib markii ay gacantooda ka baxday magaalada Rawa bishii lasoo dhaafay ee November. Ku dhawaaqidan ayaa ku soo aadaysa labo maalmood ka dib markii ciidamada Ruushku ay shaaciyeen in ay guul ka gaadheen hawlgalkii ay Kooxda Daacish kaga xoraynayeen dalka Suuriya.

Kooxaha Jihaad doonka ah ayaa qabsaday dhul wayn oo Suuriya iyo Ciraaq ku yaalla sannadkii 2014-kii, waxaana maamulkooda ku hoos noolaa dad lagu qiyaasay 10 milyan oo ruux. Laakiin jab badan ayaa soo gaadhay labadii sano ee u dambaysay, iyagoo ay gacantooda ka baxday magaalada 2aad ee ugu wayn Ciraaq ee Mawsil bishii 7aad ee sannadkan, bil kahorna waxaa gacantooda ka baxday magaalada Raqqa oo xarun u ahayd.

Qaar ka mid ah dagaal yahanadii kooxda daacish ayaa la sheegay in ay u firxadeen dhulka baadiyaha ah ee Suuriya, kuwo kalana waxaa la rumaysan yahay in ay u baxsadeen dhanka xadka Turkiga.  War qoraal ah oo uu soo saaray ciidanka Ciraaq waxaa lagu sheegay in Ciraaq oo dhan laga xoreeyay Kooxda Daacish.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay