Waxaa Maanta kulan muhiim ah oo dad wayne isugu yimaaday dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed Dhalinyarada, odayaasha, Haweenka, ururada bulshada iyo Waliba wafti ka socday dawalada South Afrika shirkan dadwayne ayaa waxaa soo abaabulay jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Koonfur Afrika, waxaana lagu qabtay magaalada Pretoria ee wadanka Koonfur Afrika, Shirkan ayaa waxaa lagu fur furay aayado quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah.

Shirkan ayaa waxaa furay gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka koonfur Afrika Mudane Mohamed Daahir asago kusoo dhaweeyay dhamaanba marti sharaftii kala duwanaa ee shirka kasoo qayb galay waxaa kale oo uu ka hadlay ahmiyada shirka iyo ujeedka loo qabtay shirka asagoo u mahad celiyay dhamaanba kasoo qayb galayaashii shirka dadwaynaha.

Wuxuuna intaas ka dib kusoo dhaweeyay gudoomiyaha Jabhada Wadaniga xoraynta Ogaadeniya (JWXO) Admiral Mohamed Omar Osmaan oo ka qayb galay shirka wuxuuna gudoomiyuhu ka waramay xaalada siyaasadeed ee geeska afrika maanta ka jiro iyo mida qadiyada ogaadeniya, gudoomiyaha ayaa wuxuu aad ugu nuux nuux saday kala yaaca xukuumada gumaysiga Itoobiya mudaaharadaada aan kala joogsiga lahayn ee ay wadaan qoomiyaha kala duwan ee kasoo horjeeda xukun dhiigyo cabka ah ee kooxda TPLF.

Shirka maanta waxaa sidoo kale ka hadlay qaarkamida odayaal dhaqameed yadii kasoo qayb galay shirka waxaana kamid ahaa Mohamed Abdi Diiriye (Qooqaani), Abdulaahi Madar iyo Odayaal dhaqameed kale ayagoo dhamaan tood carabka ku adkeeyay xaqnimada halganka JWXO hormuudka u tahay iyo inay waajib tahay xoojinta halganka Ogaadeniya ka socda.

Shirka ayaa gabagabdii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu soo gabagabeeyay in lasii xoojiyo halganka iyo xaqa aayo katashi ee shacabka Soomaalida Ogaadeniya.

ONA/Pretoria.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay