Qaramada Midoobey xafiiska u qaabilsan xuquuqda Insaanka ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsn tirada dadka lagu dilay Soomaaliya laga soo bilaabo sandkii 2016 ilaa 2017.

Warbixintan kasoo baxday xafiiska xuquuqul insaanka ee QM Waxaa lagu sheegay in waxyeelo loogu gaystay gudaha Soomaaliya 4,585 qof oo isugu jira dil iyo dhaawac, laga soo bilaabo bishii January 2016 ilaa 14-ka Oktoobar 2017. Tirada dhimashada ayaa lagu sheegay 2,078. halka dhaawacu na yahay 2,507 qof.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu yidhi waxyeelada loo geysto dadka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa gaadhay labo jibaar 100%.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay