Wararka ka imanaya Gobolka Shucuubta Koonfureed ee wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaal culus oo u dhaxeeya qaar kamid ah shucuubta lagumaysto ee wada daga Gobolka Shucuubta Kuunfureed.

Sida xogta aan kuhelayno dagaalkan oo khasaare badan dhaliyay ayaa u dhaxeeya qoomiyadaha Gunji iyo Kore oo ah labo qoomiyadood oo ood wadaag ah isla markaana ehel iyo dhalyaba ah, dhaqana wadaaga.

Labada qoomiyadood ayaa lasheegayaa in ay dagaalkooda siwayn ugu lug leeyihiin saraakiisha wayaanaha ee aagaas, kuwaas oo sida lasheegayo bixiya hub aad ubadan oo ay siinayaan qoomiyadaha ay dirirtu kadhaxayso.

Sidoo kale kooxda TPLF oo kamushtarta isku dirka qoomiyadaha ay gumaysato ayaa lasheegayaa in ay hurinayaan dagaalka u dhaxeeya labada qoomiyadood, waxaana lasheegayaa in ay si muuqata isugu dirayaan labada dhinac.

Labo bilood kahor unbay ahayd markii dagaal uu dhiig badani kudaatay uu dhex maray labada qoomiyadood ee Gunji iyo Kore, waxaana xiligaas lasoo tabiyay 45 dhimasho ah iyo waliba dhaawac aad ubadan oo labada dhinac ah.

Kooxda TPLF ayaa bilihii lasoo dhaafay isku dhufatay inta badan qoomiyadaha ay gumaystaan waxaana dhacay dagaalo aad ubadan oo dhex maray qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida, Oromada iyo Canfarta, Canfarta iyo Soomaalida, Canfarta iyo Xabashida, Gambella iyo Oromada, Hererida iyo Oromada iyo wali qaar kale oo badan.

Kooxda ayaa dagaalada u dhaxeeya qoomiyadaha ka dayaysa cimri dheerar hase yeeshee waxaa lahubaa in ay talaabadanu soo dadajiso cimriga kooxda TPLF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay