Qarax ayaa ka dhacay boosteejada Port Authority ee Dagmada Manhattan ee magaalada New York ee dalkan Maraykanka. Booliska magaalada New York ayaa sheegay in ay xidheen nin looga shakisanyahay in uu ka dambeeyay qaraxa. Ninkan la qabtay ayaa la sheegay in uu yahay qofka kaliya ee ku dhaawacmay qaraxa.

Saraakiisha boolisku ma aysan xaqiijinin waxa sababay qaraxa, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday bamka nooca loo yaqaano tubada ama Pipe Bom. Tareenada mara wadada 42-aad ee aada fagaaraha caanka ah ee Times Square ayaa la xidhay.

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Sarah Huckabee Sanders ayaa sheegtay in xaalada qaraxa ay saraakiisha amniga ku wargaliyeen madaxweyne Donald Trump.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay