Wararka naga soo gaadhaya magaalada Arba-Minch ee Gobolka Shucuubta Koonfureed ee wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya iska hor imaad xoogan oo soo kala dhex galay taliska wayaanaha iyo shaqaalaha dowlada gumaysiga ee kahowl gala magaalada Arba-Minch.

Sida xogta aan kuhelayno maamulka wayaanaha ee magaalada Arba-Minch ayaa shaqaalaha ushaqeeya wayaanaha ku wargaliyay in aan loohaynin wax mushaar ah ama dhaqaale ah kaas oo aan lasiin doonin bilaha soosocda.

Shaqaalaha magaalada Arba-minch ayaa dhankooda bilaabay shaqo joojin iyo mudaharaad xoogan oo ay kaga soo hor jeedaan maamulka magaalada iyo guud ahaan taliska wayaanaha, waxayna shaqaaluhu faaruqiyeen dhamaan xarumihii ay kashaqayn jireen.

Xukuumada wayaanaha oo aad uga xumaatay shaqaalaha shaqo joojinta sameeyay ayaa bilaabay in ay shaqaalaha ku xodxotaan waxaan dhaqaale idiinku raadinaynaa ganacsatada iyo shacabka magaalada, waxayna bilaabeen in ay canshuurta sare uqaadaan isla markaana ay dhaqaale waydiistaan ganacsatada magaalada.

Hase yeeshee ganacsatadii magaalada ayaa siwayn uga soo horjeedsaday soojeedinta xukuumada wayaanaha, waxayna ganacsatadu sheegeen in aysan aqbali doonin lacago baad ah oo laga qaado iyo waliba canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogo.

Intaas kadib waxaa mudaharaado xoogan bilaabay ganacsatadii magaalada iyo shaqaalihii shaqo joojinta sameeyay oo isku dhinac ah, kuwaas oo ku andacoonaya in aysan raali ka ahayn in ladhaco dadwaynaha isla markaana laduudsiyo xuquuqda shaqaalaha.

Kacdoonka cusub ee shacabka magaalada Arba-minch ayaa kalifay in ay istaagaan dhamaan howlihii xukuumada wayaanaha ee deegaanadaas, waxaana sii xoogaysanaya kacdoonka shacabka ree Arba-minch.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay