Maxaabiis tiradooda gaarayso todobo oo ka soo jeeda Soomaaliya isla markaana ku xirnaa jaziirada Sechelles ayaa dib loogu soo celiyay dalka, iyadoo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku Soo dhaweeyay Wasiirka Cadaalada, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo xeerilaaliyaha guud ee Qaranka .

Taliyah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa sheegay in tallaabo Wanaagsan ay tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Wadamada Calamka.

Wasiirka Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Wasaaradda Cadaaladda oo kaashaneyo Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Wasaradda Arimaha dibada ay ku mashquulsan tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadamada dibadda.

Xeerilaaiyaha guud ee Qaranka Dr. Axmad Cali Dahiir oo ayaa xusay in maxaabiis kale ku soo Wajhanyihiin dalka si dalkooda ay ugu dhammeystaan xukunnada u dhiman.

Maxaabiistani ayaa 6 ka mid ah xabsiga ku dhammeysan doona dalka, halka qofka todobaad la sii daayay maadaama uu soo dhammeystay mudada xabsiga lagu xukumay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay