Ogaden News Agency (ONA)

Mashruuca Hogaaminta ee Xarunta Wilson oo diyaariyay daraasad cusub oo ku saabsan GA

Geeska Afrika waa gobolada caalamka midka ugu dagaalada badan, iyadoo laga soo bilaabo 1990 ay ka dhaceen ugu yaraan 200 oo dagaal. Waxaa kaloo gobolka GA hadheeyay bilihii la soo dhaafay abaaro, macaluul, mawjado qaxooti iyo dagaalo ciidan. Arimahaasoo idil ayaa kor u qaadey ahmiyadii ay siinayeen gobolka dadka siyaasadda Mareykanka gacanta ku haya.  

Mashruuca Hogaaminta – Wilson Center ’s Project on Leadership and Building State Capacity – iyagoo arimahaa kor ku xusan la falgalaya ayay sameeyeen sanadkii tagay ee 2010 Guddi la socda arimaha Geeska Afrika (Horn of Africa Steering Committee), gudigaasoo taklooyin ka dhiibta siyaasadii uu Mareykanka kula dhaqmi lahaa gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale inuu diyaariyo gudiga warbixino tafatiran oo qiimaynaya arimaha isku murugsan ee ka jira gobolka isla marahaantaana talaooyin siiya siyaasiyiinta Mareykanka ee arimaha gobolka ay qusayso.

Feberaayo 29keeda ayuu Mashruuca Hogaaminta ee Xarunta Wilson, isagoo kaashanaya machadyada kala ah; Alliance for Peacebuilding iyo Institute for Horn of Africa Studies and Affairs (IHASA) soo bandhigi doona daraasad cinwaankiisu yahay; Webs of Conflict and Pathways for Peace in the Horn of Afrika. Hadafka daraasadan ayaa ah in la qaabeeyo habkii Mareykanka u abaari lahaa arimaha Geeska Afrika oy ka mid tahay in la xoojiyo xukuumad wanaaga, Nabadda shaqsiga ah oo la xoojiyo (oon ahayn un midda dawladda iyo maamulka), in la xoojiyo xidhiidhka ka dhexeeya gobolka, kor loo qaado dhaqaalaha iyo wax is-dhaafsiga gobolka.  

Waxaa lagu qaban doonaa dhacdadan ; WoodrowWilsonCenterin the 6th Floor Auditorium taariikhda markay tahay February 29th. Wuxuu bilaabanayaa saacadda marka ay tahay 10:00am-11:30am.  Kala xidhiidh – RSVP to leadership@wilsoncenter.org.

ONA.

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=9029

Posted by on Feb 26 2012. Filed under videos/muuqaal, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 8,790
  • Last 7 days: 59,204
  • Last 30 days: 246,444
  • Online now: 25
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com