Inaa lilaahu wa inaa ilaahu raajucuun war goor dhaw nasoo gaadhay ayaa sheegaya in shacab aad ubadan oo Soomaali ah lagu xasuuqay deegaano ay Oromadu Maamusho halkaas oo sida laxaqiijiyay ay ku qudh waayeen dad aan waxba galabsanin oo kamid ah shacabka Soomaalida Ogadeniya.

Sida xogta aan kuhelayno maleeshiyada OPDO ee taliska wayaanuhu uu utababaray gumaadka shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa galabnimadii maanta oo Jumce ahayd deegaanka Hawi Gudina ee woqooyiga Harargee kudilay dad shacab ah oo Soomaali ah oo tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 37 qof.

Dadkan laxasuuqay ayaa lasheegayaa in ay isugu jireen cruur caano nuug ah, haween iyo waliba dad waayeel ah, waxaana lasoo tabinayaa in qaar kamid ah dadkan laxasuuqay la gowracay halka qaar kalana rasaas lagu dilay.

Goob jooge lahadlay warbaahinta ONA ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee lalaayay ay yihiin inta u dhaxaysa 37 ilaa 50 qof, kuwaas oo ubadan ciyaal iyo haween, sidoo kale goob joogaha ayaa sheegaya in dadku ay intaas kabadan karaan balse tiradan ay tahay mida uu indhihiisa ku arkay.

Qoomiyada Oromada ayaa siwayn ufulisay qorshihii Taliska wayaanaha ee ahaa in ay qoomiyaduhu islaayaan waxayna qoomiyada Oromadu shacabka Soomaalida Ogadeniya ee kudhaqan Oromia iyo kuwa kusugan Ogadeniya ba ugaysteen xasuuq ba’an, waxayna shacabka dulman ee ree Ogadeniya galeen laba dhabanle.

Xasuuqa iyo gumaadka ay maleeshiyaadka Oromadu ku hayaan shacabka Soomaalida ah ayaa ah mid aan la iskaga hadhi doonin, waxayna shacabka soomaalidu laxisaab tami doonaan cid walba oo xasuuq u gaysata shacabka Soomaalida Ogaadeniya.

Waxaan ilaahay uga baryaynaa dadka laxasuuqay inuu u naxariisto janadii fardowsa ka waraabiyo

ONA/Ogaadeniya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay