Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya shir Albaabadu ay uxidhan yihiin oo udhaxeeya hogaankii cusbaa ee TPLF iyo saraakiisha ciidanka gumaysiga.

Sida xogta aan kuhelayno hogaanka cusub ee TPLF oo iskudayo badan wada ayaa lasheegayaa in uu kasoo baxay shirkii aan mecnaha lahayn ee urur kusheega EPRDF uga socday magaalada Addis Ababa, waxaana lasheegayaa in uu kulan dag dag ah lagalay hogaanka ciidamada wayaanaha.

Hogaanka cusub ee TPLF ayaa danaynaya in laxakameeyo kacdoonada shacabka ee kubaahay guud ahaan wadanka iyo in laqanciyo siyaasiyiinta ree Itoobiya ee aan ladhacsanayn qaabku uu wax usocdo.

Hogaanka TPLF ayaa aad uga walaacsan kacdoonka shacabka ee hada kasocda duleedka Addis Ababa, kuwaas oo laga cabsi qabo ay magaalada caasimada u ah wayaanaha soogalaan.

Dadka kacdoon wadayaasha ah ayaa sheegay in ay qabsan doonaan meesha looyaqaano Arat Kilo halkaas oo ay kutaalo madaxtooyada wadanka looga arimiyo, hase yeeshee taliska wayaanaha oo aan dhayalsanin sheegashada shacabka ayaa bilaabay in uu kahortag sameeyo.

Dhinaca kale dadka arimaha Itoobiya falanqeeya ayaa sheegaya in tab kasta oo kacdoon wadayaasha loola dhaqmo aysan waxba katari doonin kacdoonada shacabka, waxaana la ogyahay in dhowr jeer oo hore ay wayaanuhu damceen in ay howlaha socda wax kaqabtaan iyagoo talaabo kasta qaaday balse ku guur daraystay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay