Sawiradi  Dib kala soco:

25-kii feb 2012-kii waxaa lagu soo bandhigay caasimada dalka Sweden Stockholm  Film-kii Silent Cry (oohintii qarsoonayd) qaybtiisii 2-aad.

Ugu horayntiiba  waxaa qud bad yar oo soo dhaweeyn diirana madasha kasoo jeediyay  Xog-Hayaha OYSU Sweden Mudane Mahamed Amiin Barkhadle, Kadib waxaa  si toosa looguda galay daawashada film-ka.

 

Film-ka oo ah mid lagasoo duubay shacabka dulman ee masaakiinta ah ee ay xad gudubyada ba’an sida jidh dilka, kufsiga, dilka, dhaca & xadhiga u gaystaan xukuumada Tigreega Ethiopia ayaa si waafiya shaaca looga qaaday.

Film-ka oo ahaa mid murugo badnaa ayaa waxaa lagusoo bandhigay bartamaha magaalada Stockholm kana soo qayb galeen dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Stockholm & gobalada kale  waxaana kasoo qeybgalay ururobadan oo  taageera halganka Ogadenia.

Dhibaatooyinka shacabka Ogadenia oo kolba isa soo taraya ahna wax aanan marnaba la qarin Karin ayaa waxaay ku idlaayeen filmkan  oo taabanayay meelo badan- bulshadii daawanaysayna  ka wada ilmaysiiyay oo ay sababtay in ay qaarkood daawanba kari waayeen kolka ay arkeen sida loo dhibaateeyay umada masaakiinta ah ee aanan waxba galabsan  kana soo barakacay dhulkoodii.

Bishan February oo ah bil dhamaan aduunka dacaladiisa ay ururka OYSU ka xuseen maalinka xasuuqa Ogadenia oo ah maalin murugo, lama ilaawaana ku noqotay umada reer ogadenia ayuu wadanka Sweden/Stockholm  & Minneapolis, Minnesota  nasiib u yeesheen inay noqdaan  kuwii ugu horeeyay ee soo bandhigay Silent Cry Part 2.

Sikastaba ha ahaatee wax filim-kii la daawadaba oo laga murugoodo dhibaatooyinka araxan daro ee loogaysto shacabka dulman ee S/Ogadenia ayaa waxaa cod baahiyaha lagusoo dhaweeyay  Mudane Mujahid Sh Ibrahin oo ah masuulka ugu sareeya ururka OYSU  ugana soo kicitamay dalka UK munasabadan darted ayaa  soo jeediyay qudbad aad u dheer  taabanaysayna meela badan dadkana qiira galisay shacuurtoodiina sii kicisay. Asagoo walibana dhalinta uga digay wax yaala badan oo ay cadawga maleegaan kuna dhiira  galiyay siday dhamaan uga qayb qaadan lahaayeen halganka  xaqa ah. Mudane Mujahid oo hadalkiisa sii wata ayaa  dhalinta kula dardaarmay ku dhaqanka xeerka ururka, ka run sheegida mabaadii’da’ururka & walibana fulinta awaamiirta asagoo u dul maray waxa xeerka uu qabo & waxa ka reeban intaba.

 

Kadib waxaa lagusoo dhaweeyay  gabadh da’a yar  Sharezad Faysal Gas oo ka soo jeedisay gabay wadaniya oo ay ku qortay afka swedhishka, waxaa sidoo kale ayana gabay qiima badan oo ingriis ah kasoo jeedisay Marwa Layla Abdulahi oo ah masuul ka tirsan OYSU Sweden.

Sidoo kale Xog-Hayaha OYSU Sweden faraca Flen Marwa Faduma Abdirahman ayaa ayana kasoo jeedisay geeraaro wadaniya kuwaasoo ahaa kuwa badalay dhamaan dareenkii dad weynaha oo aad loola qiirooday.

 

Waxaa sidoo kale hadala kooban oo aad u qiima badan goobta ka tidhi  Khadija Ahmed oo ah gabadh da’deedu tahay 12-jir, Khadiija waxay qiratay ugu horayn inay farxad u tahay kasoo qayb galkii ay daawashada filmka kasoo qayb gashay, waxay sidoo kale qiratay inay aad uga xuntahay dhacdooyinka foosha xun ee ay indhaheeda ku aragtay misna loo gaysanayo shacabka S/Ogadenia,

Sidaa darteed Khadiija waxay balan qaaday inay wax u qabanayso umadeeda una aarayso mustaqbalka insha-allaah!

Guntii & gunaanadkii barnaamijkii film-ka ayaa soo gabagaboobay ayadoo dadkii ay shacuurtooda aad u kacsantahay kadibna ay qaarkood safaraday ku yimaadeen ay dib u galeen.

 

Ilwad Ali

ONA

Sweden/Stockholm.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay