Wararka naga soo gaadhaya magaalada Harar ee xarunta Gobolka Hararida ayaa sheegaya in ay goroda iskula jiraan Generalka qaybta Harargee ee ciidanka wayaanaha General Ma’asha iyo maamulka Hararida.

Sida xogta aan kuhelayno Taliyaha qaybta Hararge ee ciidanka wayaanaha General Ma’asha ayaa dadka deegaanka ku wargaliyay in ay bixiyaan shidaalka ay ciidamada wayaanuhu isticmaalaan isagoo sheegay in la waayay saadkii ciidamada gaar ahaan shidaalkii oo ahaa midka loogu baahi badan yahay.

Soo jeedinta Gen. Ma’asha taliyaha qaybta Harargee waxaa siwayn uga horyimid madaxwaynaha aan tabarta lahayn ee Gobolka Hararida oo lagu magacaabo Murad, wuxuuna Mr Murad sheegay in shacabka Hararidu aysan awoodin dhaqaalaha intaas la’eg ee ciidamada loogu shidaal gadayo.

Hase yeeshee waxaa warkaas is diidsiiyay General Ma’asha oo ah nin u dhashay qabiilka Tigreega oo isu haysta in aan warkiisa laga hor imaan karin. Sidoo kale Gen. Ma’asha ayaa mudo uqabtay maamulka Hararida iyo guud ahaan dadka deegaanka isagoo kasugaya jawaab qancisa.

Dhinaca kale waxaa magaalada Harar kusoo fool leh Wasiirka Wasaarada Gaashaan Dhiga oo doonaya in uu xaliyo iska hor imaadka saraakiisha ciidamada iyo maamulka Hararida, waxaana la filayaa in uu ayaamahan soo gaadho magaalada Harar oo ah meel qasan.

Guud ahaan xaalada wadanka Itoobiya ayaa ah mid uu isku dhexyaac kajiro waaana meelkasta oo Itoobiya ah saamaysay dhaqaale la’aanta baahday ee wadanka kajirta, taas oo sida lasheegay ay kaliftay maamul xumada wadanka kajirta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay