Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in shirkii aan micnaha lahayn ee urur kusheega EPRDF, uga socday magaalada Addis Ababa uu burbur qarka usaaran yahay.

Sida xogta aan kuhelayno shirkan oo ururka EPRDF uga socday magaalada Addis Ababa ayaa wajahay aqabado dhowr ah oo qaar kamid ah ay ku adkaatay in uu ka gudbo waxaana lasheegayaa in ergooyinkii shirka kasoo qayb galay ay bilaabeen in ay is aflagaadeeyaan ama dhinaca fakirka iska weeraraan.

Nin kamid ah xubnihii kulanka kaqayb galay oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dhowr jeer shirka lagu kala kacay, isla markaana hada ay shirka horyaalaan aqabado dhowr ah oo ay kamid tahay in labadalo shakhsiyaadka ugu sareeya xukuumada wayaanaha.

Arintan ayaa timid kadib markii maamulka cusub ee ururka TPLF ay soo jeediyeen in labadalo hogaanka sare ee xukuumada sida Raysal-wasaaraha, Madaxwaynaha, Taliyaha Ciidamada iyo waliba boosas kale oo muhiim ah.

Hase yeeshee waxaa arintan siwayn uga hor yimid qaybaha kale ee ururka TPLF kula midaysan ururka sii burburaya ee EPRDF, kuwaas oo u arka in kooxda TPLF ay doonayso in ay boosaska oo dhan udhiibto shakhsiyaad kasoo jeeda kooxda TPLF ama qoomiyada Tigreega.

Dhinaca kale falanqeeye dhinaca siyaasada ah ayaa sheegay in kooxda TPLF aysan ku guulaysan doonin isbadal ay kusamayso hogaanka taliska wayaanaha, waxaana aqabad ku ah ayuu yidhi qoomiyadaha kale oo diidan in hogaanka lagu wareejiyo Tigreega, sidoo kale falanqeeyaha ayaa sheegaya in kooxda TPLF aan la aamini doonin xataa hadii ay boosaska oo dhan kuwareejiyaan qoomiyadaha kale.

Wixii kasoo kordha shirkaas iyo guud ahaan Itoobiya kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay