Sida ay kusoo waramayaan Wakaaladaha Wararka ee Caalamiga ah, In ka badan 60 qof oo Shacab ah oo u dhashay dalka Yemen ayaa ku dhintay duqayn ay dowladda Sucuudiga ka fulisay goobo ay ku sugan yihiin Xuutiyiinta.

TV-ga Al-Masirah ee Yemen ayaa sheegay in diyaaradaha Sucuudiga ay duqayn ku dileen Dagmada Mawza ee galbeedka Gobolka Ta’izz ku dhawaad 15 qof oo Shacab ah.

Warbaahinta iyo ilaha ammaanka ayaa sidoo kale ku soo waramay Jumcihii in Weerar dhanka Cirka ah ay ku nafwaayeen 28 qof oo ku noolaa xeebaha galbeed ee Yemen. Suuq ku yaalla Gobolka Sacda ayaa sidoo kale, waxaa ka dhacday Duqayn, waxaana ku dhintay dad ku dhow 20 qof.

Dhammaan duqeymahaan waxaa ay dhaceen maalintii Jumcaha aheyd galinkii dambe. Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay in dowlada Sucuudiga ay xoojisay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta, islamarkaana ay beegsanayaan goobaha dadweynaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay