Astaanta ururka Wadaniga Xoraynta Ogadenya ee (JWXO /ONLF), waxay utaagan tahay dagaal iyo siyaasad in xalka lugu wadda raadiyo kolba midki suuragal ah.  Hogaanka Arimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Guud waxaa loo igmaday suuqgaynta siyaasada ururka iyo hadafka loo dagaalamayo. Hogaanka Gaashaandhiga waxaa loo igmaday dhismaha iyo soo saaridda ciidan iyo kawaadir sirdoon oo dalka awood ciidan ku muquunin karta.

Dalka Mareykanka iyo Waqooyiga Korea waxay wada hadal toos ah iyo mid dahsoon wada yeesheen sanadkan 2017 oo  ka kaliya in ka badan 25 kulan oo miiska wada hadalka lugu kala kacay kadib markii la isku af garan waayay qodobadii laga wada hadlayay. Sidoo kale Koonfurta iyo Waqooyiga Sudan oo hal dal wada ahaan jiray waxay sanad walba yeelan jireen kulamo joogta ah si dagaalka xorriyad doonka Koonfurta Sudan xal loogu hello.

Ururka Xoraynta Shacabka Eritrea (Eritrea People’s Liberation Front) EPLF waxay wada hadalo toos ah yeelan jiren Taliskii Mangiste Xayle-maryam. Iyaggoo dagaalkii xorriyad doonka ku jirra dhinaca kale halmar ma istaagin wada hadalka dowladii mingiste iyo jabhadii EPLF. Wada hadalkii ugu danbeeyay inteysan dalka la wareegin waxay kuwada yeesheen dalka Iraq, waxaana dhex dhexadinayay dowlada MASAR.

Hadaba, markeynu maqalno doodda wadda hadalka maxaa durba isbadalla oo dhaqaajiya shacabka Soomaaliyeed? Maxaa soo saarra xubno iyo shakhsiyaad cusub iyo waliba dooddan cusub ee markii dagaalku socday loo waayay balse soo saaray wakhtigan xaadirka ah?

Waxay ka mid tahay dhaqamada soo jireenka ah inney banaanka usoo baxaan dadyow kala duwan markey maqlaan mustaqbalka waxaa dhici doona wada hadal toos ah u dhexeeya ONLF iyo Tigreey. Dadkaas oo iddil waxay wada noqdeen wada wadani, wadda halgamayaal xorriyad doon ah oo dalka iyo masiirkiisa u damqanaya, wadda saxsanayaal xaqiiqda dhabta ah wax kala socda, wadda geesiyaal aan waligood cadawgooda ka weecanaynin, wadda kacaan mustaqbal iyo himilo wadaniyadeed hiigsanaya.

Dooda wada hadalka macnaheeddu meesha kuma jirto aynu hubka dhigno balse doodda wada hadalku waxaa weeyaan aynu kolba dhinac qiimeyn ku sameyno meeshuu taagan yahay iyo kolba jawigga durufeed ee isbadalay miyaan wadda maareyn karnaa mise maya?

Doodda wada hadalka waxaa saldhig u ah iney dhinacyada is haya xaqiiqda soo wadda arkeen sidaasi daraadeed la wadda doonayo fursad dahabi ah oo dhinac waliba uu ku qanci karo taas oo ka turjumaysa danaha iyo mustaqbalka dhinacyada ishaya ee wada-hadalku uu ka dhexeeyo.

Hadaba, waxaa inna wada faran meel kasta oon joognaba inaynu midnimada iyo wadajirka dhexdeena ah xoojino oo wax kasta uu ka xoog badnaaddo maadaama oo lagu jiro  marxalad kala guur ah oo dhinacyada is haya ee ku loolamaya siyaasada Itoobiya ay wada fursad gaad yihiin taas oo u baahan inaan si midaysan oo kalsooni iyo wadaniyad leh iskaashi iyo wada shaqayn cilmiyaysan aan u yeelanaa taas oo lagaga hortagi karo inaysan nagu dhicin sidii fursadihii nasoo maray een laga faa’iidaysanin oo kale.

W/Q: Mujaahid Sheekh Ibrahim

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay