Jaaliyada soomaalida ogaadeeniya ee magaalada Edmonton ayaa maalinimadii sabtida isugu timid shirkeedii bilaha ahaa .
 Waxaa shirka Lagu furay wacdi diini ah oo aad u qiimo badnaa ajar iyo xasanaad ilaahay ha ka siiyo sheekhii wacdigaa soo jeediyey.
 Gudoomiyaha jaaliyada mudane faarax Mursal ayaa halkaa khudbad aad u qiimo badan ka soo jeediyey wuxuu aad uga hadlay abaabulka shacbiga reer ogaadeeniya ee magaalada Edmonton ,u diyaar garowga isbadalada siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday bariga afrika gaar ahaan gumaysiga ethoipia ,hawl qaybsi loo dhan yahay iyo wax qabadkii jaaliyada mudadii bisha ahayd.
 Waxaa hadalka Lagu soo dhaweeyey isuduwaha jaaliyadaha Canada mudane c/.xakiim maxamed wali wuxuuna halkaa ka war bixiyey dhamaan jaaliyadaha Canada wax qabadkooda iyo sida wanaagsan ee ay u dadaalayaan,wuxuu kaloo ka hadlay dagaalada ka soo cusboonaaday xuduudaha u dhexeeya qoomiyadaha oromada iyo soomaalida ogaadeeniya halkaasoo maleeshiyaadka ormadu ay ku xasuuqeen dad badan oo birimagaydo ah iyo sidii jawaab looga bixin lahaa,haday noqon lahayd sidii loo gaadhsiin lahaa hay’adaha xuquuqul insaanka looguna gurman lahaa dadka ka soo baro kacay guryahoodii dagaalkaana loo joojin lahaa ama sidii shacabkaa aan hubaysnayn looga difaaci lahaa maleeshiyadaa oromada ee ay dabada ka riixayso gumaystaha ethoipia.
 Waqti dheer waxaa halkaa la isku waydaarsaday dood iyo su’aalo runtiina si fiican la isugu jawaabay wuxuuna shirkaas oo ahmiyad weyn ulahaa xubnaha iyo hawlwadeenada ku soo dhamaaday jawi aad u fiican.
















ONA
 Edmonton
Canada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay