Ciidamada JWXO ayaa waxay weeraro ku qaadeen deegaano balaadhan oo uu  dagan yahay cadawgu,  dagaaladaas  ay ciidanka waddaniga xoraynta ogaadeenya la galeen kuwa cadawga ayaga oo  gaadhsiiyay khasaare balaadhan oo isugu jira naf iyo maal

Warar uu nasoo gaadhsiiyay  wariyaha  ONA  uga soo warama gudaha ogaadeenya ayaa sheegaya in 20/2/12  lagaga gubayBaabuur lafta kala jeexan oo u dhaxaysa tuulooyinka Dig iyo Wayla lagu xidh  ee degmada Awaare.  ciidankii iyo dhamaan wixii saraa ay gawaadhidaas ku basbeeleen.

Dhinaca kale waxaa jira dagaalo  dhexmaray Ciidamada JWXO  iyo kuwa cadawga oo ka kala dhacay.

23/2/12 Horahawd  oo ka tirsan degmada Qabri bayax- dagaal habeenimo   oo ka dhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari tiro kalena waa lagaga dhaawacay.

9/2/12 dagaal ka dhacay  Gasaangas  oo ka tirsan degmada Xamaro waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  2 askari  tira kalena waa lagag dhaawacay.

Waxaa kale oo jira dagaalo ka kala dhacay deegaanada  Galaalshe, Gabagabo,Dig, iyo Shayagoosh  oo aanan wali ka hayn faahfaahin buuxda.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay