Hadal kasoo yeeshay xafiiska madaxwaynaha Marayanka Donald Trump ayaa lagu sheegay in dowlada Maraykanku ay joojin doonto dhamaan caawimaada ay siiso wadadamada ay hogaamiyaan dadka kali taliska ah.

Sida warku nagu soo gaadhayo madaxwaynaha wadanka Maraykanka Donald Trump ayaa Wasaarada Arimaha Dibada ee Maraykanka ku amray in ay jarto caawimaada ay dowlada Maraykanku siiso wadamada ay kajiraan nidaamka kali taliska ah, wuxuuna Mr Trump amray in si dhakhso ah loo jaro caawimaada lasiiyo dalalkaas.

Inkasta oo Madaxwayne Trump uusan magacaabin dalalka uu doonayo in caawimaada laga jaro hadana waxaa iska cad dalalku uu uu ulajeedo in ay hogaan uyihiin dad kaligood taliye yaal ah ama dad maamul xumo caan ku ah, waxayna dadka siyaasada Maraykanka falanqeeya sheegayaa in wadanka Itoobiya uu koow kayahay.

Dowlada Maraykanka ayaa wadanka gumaysiga Itoobiya siisa caawimaad aad ubadan oo dhinaca ciidanka ah iyo waliba caawimaadyo kale oo dhowr ah, waxayna dowlada Maraykanku tahay wadanka dhaqaalaha ugu badan siiya Itoobiya.

Hadalka kasoo yeedhay dowlada Maraykanka ayaa lasaadaalinayaa in wadanka ugu horeeya ee uu saameeyo uu noqon doono wadanka fashilmay ee mudada dheer ay kasoo talinayeen kaligood taliye yaashu ee Itoobiya.

Sanadkii 1990 kii ayay ahayd markii madaxwaynihii Maraykanka ee xiligaas uu jaray caawimaadii ay dowladiisu siinjirtay kaligii taliyihii la eryay ee Mingistu Haile maryam, talaabadaas oo wadanka Itoobiya ku kaliftay in uu aakhirkii burburo.

Wadanka gumaysiga Itoobiya oo xaalad adag kujira ayaa lasheegayaa in uusan caawimaada wadanka Maraykanka ka maarmin hal bil oo kaliya, waxaana lasheegayaa in hadii dowlada Maraykanku ay caawimaada kajarto uu wadanka gali doono marxalad geeri ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay