Dowlada Maraykanka ayaa kaligeed kasoo horjeesatay qaraarkii shalay la horgeeyey golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayey illaalinta sharuucda ku aadan magaalada barakeysan ee Qudus.

Qoraalka Qaraarkan oo ay dowlada Masar soo diyaarisay ayaa nuxurkiisa ahaa in dalalka Caalamka guud ahaan aysan garab marin qaraaradii hore ee Qaramada Midoobay iyo golaha Amaanka kasoo saaray magaalada Barakeysan ee Qudus oo loo aqoonsan yahay inay kamid tahay dhulka Falastiin oo ay Israel ay xooga ku qabsatay dagaalkii 1967dii.

Qoraalkan ayey si buuxda u taageereen dhamaan 14ka xubnood ee golaha balse dowlada Maraykanka ayaa kaligeed kasoo horjeesatay ansixinta Qaraarkan oo ay u adeegsatay awoodeeda Veto-power oo ay golaha kuleedahay.

Maraykanka oo ah shanta wadan ee awooda qayaxan ee Veto kuleh Golaha ayaa ku tilmaamay Qaraarkan mid aan ka tarjumeyn marxalada ka jirta Qudus, waxayna safiirkada Maraykanka Nikki Haley sheegtay in Maraykanka uu u madax banaanyahay magaaladii uu u aqoonsanayo caasimada Israel.

Waxaa xusid mudan qoraalka Qaraarka meelna loogama hadal Maraykanka si gaar ah.

Israel ayaa ugu mahadcelisay Maraykanka sida uu markale ugu difaacay awoodooda Veto ee Golaha Amaanka. Israel ayaa ku eedaysay Qaramada Midoobay inuu isu bedalay goleyaal looga soo horjeedo jiritaankooda.

Dalalka Muslimiinta oo filayey in Maraykanka uu tilaabadan qaadi doono ayaa sheegay in Qaraarkan u gudbin doonaan Golaha Loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (General Assembly) halkaasi oo uu Maraykanka ku lahayn wax awood dheeraad ah, walow go’ aanada golahaasi kasoo baxa aysan khasab ahayn inay dowladaha hirgeliyaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay