Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo in ka badan 40 saacadood ku xidhan xabsiga ayaa galinkii dambe ee shalay la horgeeyay maxkamadda Gobolka Banaadir ee darajada 1aad.

Xeer ilaalinta ayaa ku eedeysay C/raxmaan C/shakuur in uu galay khiyaano qaran oo ay ugu horayso duminta qaranka. Maxkamadda ayaa xeer ilaalinta ka dalbatay in ay eedaymahooda u keenaan wax caddeyn ah dambiyada uu galay C/raxmaan C/shakuur oo habeenimadii Isniintu soo galeysay lagu soo qabtay hawlgal ay ku nafwaayeen shan qof.

Xeer ilaalinta ayaa dalbatay in la siiyo muddo shan maalmood ah oo ay dacwadooda ku soo dhamaystiraan intaasna xabsiga lagu sii hayo Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame. Maxkamadda ayaa diiday dalabka xeer ilaalinta waxaana loo qabtay 24 saacadood gudahood in ay ku keenaan caddaymaha dambiyada ay ku soo oogeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Galinka dambe ee maanta ayaa Maxkamadda mar kale la isugu soo noqonayaa. Dhagaysiga dacwada waxaa ka soo qaybgalay dadweyne badan oo ay kamid ahaayeen siyaasiyiin iyo Xidlhibaano.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay