Qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee isbeddelka cashuuraha ayaa qarka u saaran in uu noqdo mid meelmara. Habeenkii xalay ayaa aqalka hoose ee Kongresska meel mariyey qorshaha isbeddelka cashuuraha.

Isbeddelka cashuuraha ee Donald Trump ayaa ah kii ugu weynaa ee muddo 30 sano ah

Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa ku kala qaybsamey codeynta, 227 Xildhibaan ayaa u codeeyey waxaana ka codeeyey 203 Xildhibaan. Afhayeenka Aqalka Kongresska Paul Ryan ayaa ku dhawaaqey in isbeddelkii ugu weynaa ee cashuuraha lagu sameeyo uu meel-marey.

Isbeddelka cashuuraha ayaa doonaya in la horgeeyo aqalka Senate-ka Maraykanka ee Aqlabiyadiisa ay haystaan jamhuurigu, waxaana ay u badan tahay in ay meel mariyaan, haddii aysan dib ugu celin Aqalka hoose in ay soo saxaan khaladaadka laga sheegayo meelmarinta qorshaha.

Hoggaamiyaha Xildhibaanada Dimoqraadiga ee Aqalka Hoose Nancy Pelosi ayaa sheegtey in codeyntii xalay ay ahayd fadeexad, lana doonaayo in mar labaad loo codeeyo ka hor inta aan loo gudbin aqalka Senate-ka, maadaama uu khilaafsan yahay sharciga Aqalka Senate-ka

Haddii Senate-ku meel mariyo ayey u noqonaysaa guushii u weyneyd ee uu gaaro Donald Trump oo horey u ballan qaadey isbeddelkan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay