Warbixin  uu soo saaray Taliska ciidamada Maraykanka ee (Africom) ayaa lagu sheegay in duqayn xagga cirka ah oo 15-kii bishaan lala beegsaday kooxda Al-shabaab lagu dilay 8-ka tirsan maleeshyada  kooxdaasi.

Hawlgalkaasi oo ka dhacay goob 30-mayl  u jirta  magaalada Kismaayo ee dhinaca woqooyi galbeed  ,ayaa warku intaa ku daray in lagu burburiyay hal gaadhi  oo ay lahaayeen kooxdaasi. Hawlgkaasi waxaa  fuliyay ciidamada Mareykanka ee Africom oo gacan ka helaya kuwa Soomaaliya, iyadoo diyaaradaha Dronska loo adeegsaday weerarkii xagga cirka ahaa ee lala beegsaday maleeshiyaadka Al-shabaab.

Warkan ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka  ee fadhigoodu yahay Bariga Afrika ee (Africom), ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax rayid ah oo wax ku noqday howlgalkan dhinaca cirka ee lala beegsaday kooxda Al-shabaab, sida ay ku waarameen saraakiisha Africom.

Taliska Africom, ayaa sheegay in ay sii wadayaan hawlgalada dhinaca cirka ah ee lagu wiiqayo kooxda Al-shabaab ,waxaana warku intaa raaciyay in iyadoo gacan laga helayo ciidamada Soomaaliya la bartilmaameedsan doono meelaha ay gabaadka ka dhigtaan kooxdaasi iyo xarumaha ay ku tababartaan,

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay