Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya mid kamid ah dhagartii uu taliska wayaanuhu maleegi jiray oo la ogaaday iyo khatar wayn oo shacabka kusoo fooleh hadii aan wax laga qabanin.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa la ogaaday qorshe mudo laga shaqaynayay oo ciidanka sirdoonka wayaanuhu ay ku doonayeen in ay ku qarxiyaan goobo muhiim ah oo lafilayo in ay dad badani isugu yimaadaan.

Xogta lahelay ayaa muujinaysa in ciidanka sirdoonku ay soo gabagabeeyeen qorshe ay ku qarxin rabeen goob ay dadka masiixiyiinta ah barakaystaan oo kutaala inta udhaxaysa magaalooyinka Harar iyo Addis Ababa halkaas oo lagu magacaabo Qulubi Gabrael.

Goobtan macbadka ah ee muhiimka u ah dadka masiixiyiinta ayaa lagu wadaa in ay malaayiin dad ah oo dalka iyo dibadaba kayimid ay soogaadhaan maalinta ciida masiixiga ah ee fooda inagu soohaysa, waxaana lasheegayaa in qorshuhu uu ahaa in lagu xasuuqo malaayiin shacab ah.

Ujeedada kadambaysa qorshaha ciidanka sirdoonka ayaa lasheegayaa in ay tahay sidoo ururada mucaaradka ah loogu eedayn lahaa talaabadan isla markaana loo xidh xidhi lahaa dad badan oo mucaarad ah si dhiigooda loo banaysto.

Qorshaha kale ee laga lahaa ayaa lasheegayaa in la iska horkeeno dadwaynaha iyo ururada mucaaradka ah si uu taliska wayaanuhu fursad iyo cimri dheerar u helo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay