Hogaanka ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay u baahan yihiin taageero Maaliyadeed  oo lagu kalsoonaan karo si looga guuleysto dagaal yahanada maleeshiyada Al-Shabaab.

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa War ka sheegay kaddib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madeira ayaa ka digay hadii la waayo dhaqaale in halis ay gali karto ku guuleysiga dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab, Tobankii sano ee la soo dhaafay kaasi oo ka socda Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay Madeira in qorshooyinka AMISOM ee 2018 ay ka mid yihiin in loo wareejiyo saldhigyo waa weyn oo hor leh oo ku yaala guud ahaan Soomaaliya oo ay ku wajahan yihiin Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo AMISOM oo gacan ka helaya kuwa Maraykanka ayaa isku diyaarinaya weeraro culus oo ay Al-shabaab kaga saarayaan goobahooda ay ku xoogganyihiin Jubbooyinka iyo Gobolada kale ee dalka.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in qiimeyn ay samaysay xukuumaddu ay ogaatay in qiyaastii boqolkiiba 30% Askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya aysan hubeysneyn.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay