Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay aga-gaarka madaxtooyada Soomaaliya, waxaana madaafiicdaasi jugtooda laga maqlayey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda, balse qaar ka mid ah xaafadaha ay madaafiicda ku soo dhaceen shacabka ku nool ay argagax iyo cabsi la soo daristay. iIaa saddex madfac ayaa waxa ay ku soo dhaceen aga-gaarka war-dhiiglay oo u dhow madaxtooyada iyo 15 May sidaa waxaa warbaahinta gudaha u sheegay qof goobjooge ah.

Majiro mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka hadlay weerarkaasi, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka madaafiic ah ee lagu qaaday madaxtooyada, waxaana warbaahinta afkooda ku hadasha ay sheegtay in 8 madfac ku weerareen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay