Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia OYSU ee Gobolka Woqooyi bari Kenya ayaa maanta oo Axad ahayd isugu yimid kulankoodii sadex biloodlaha ahaa ee ay isugu imaan jireen dhamaan urur hoosaad yada OYSU faracyadooda Gobolka Woqooyi Bari Kenya sida Gaarissa, Xagardheere, Ifo iyo Dhagaxlay.

Kulankan oo ahaa mid aad uxiiso badan kana soo qayb galeen dhalinyaro isu hiloowday mudana aan is arag ayaa waxaa marti galisay xerada Ifo ee deegaanka Dhadhaab.

Kulanka ayaa furmay saaka abaare 8:00am waxaana lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah waxaana waxdigaas qiimaha badan kadib laguda galay ajandayaashii shirka waxaana warbixin dheer iyo is xogwaraysi lakala qaatay kadib la amba qaaday qodobadii qodobadii kulanka loogu tala galay.

Waxayna xubnihii goobta yimid siqoto dheer ulafo gureen ugana doodeen dhamaan qodobadii shirka loogu tala galay waxaana dood dheer iyo falanqayn wakhti qaadatay kadib qodob kasta laga soo saaray go’aamo iyo talooyin wanaagsan oo wax tar u leh halganka guud iyo gaar ahaanba howlaha ururka.

Intaas kadib waxaa shirka khadka isgaadhsiinta kaga soo qayb galay maamulka guud ee OYSU iyo midka bariga Africa, sida xidhiidhiyaha OYSU ee Bariga Africa iyo maamulkiisa.

Ugu dambayntii kulanka oo qaatay mudo saacado ah ayaa lagu soo gabagabeeyay si wanaagsan iyadoo qodob kasta si hufan la isula meel dhigay, waxaana hoosta laga xariiqay in lafuliyo dhamaan go’aamadii shirka laga soosaaray. Wuxuuna kulanku kusoo idlaaday jawi dagan abaare 5:00pm xiliga Dhadhaab.

Abdullahi Yare
ONA Ifo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay