Xasuuqa lagu hayo shacabka dulman ee Soomaalida Ogadeniya waa mid lagu sifayn karo isir tirtir wuxuuna lamid yahay xasuuqa loo gaysto muslimiinta Miyanmar iyo Falastiin, laakiin waxaa maalmahan layaab noqotay oo loogu hadal hayn badan yahay gudaha wadanka Ogadeniya in dad shacab ah Soomaali ah oo dhex dagan dhulka Oromada si waxshinomo leh loo gumaaday oo jidhkooda lagu jarjaray Manjo, Baangado iyo faasas (Subxanallaah).

Qoomiyadaha ugu tunkawayn Itoobiya waa 4-tan qoomiyadood *Oromo,* *Amhara,* *Tigrai* iyo *Shucuubta koonfureed,* waana kuwa asal ahaan u ah Itoobiyaan dhab ah, hadaba qofkii soo kala reeba ee qaara dhaha waa Itoobiyaan qaara ma aha sida Oromada waa qof iska hadlay ee sidaas ma aha, dhamaantoodna waxay ka siman yihiin nacaybka Soomaalida.

Xasuuqan loo gaystay shacabka Soomaalida ah waa mid Oromada odhan ay ku wada qanacsanyihiin mucaarad iyo muxaafidba, waxaana daliil u ah hadalkii uu Jawhar Maxamed ka yidhi idaacada Oromada ee ahaa anagu dad la xasuuqay ma ogin.

Hadaba waxyaabaha ubaahan inaan iswaydiino waxaa weeye maxaa keenay oo sababay in dad shacab ah oo maati ah la gumaado ? iyo inuu Jawhar Maxamed dhaho ma ogin mana aanaan maqal dad ay Oromo xasuuqday ? aniga aragtidayda gaaban waxaan kaga jawaabayaa sidan hoose:-

1: Waxaa sabab u ah kana danbeeya jabhadda TPLF oo maslaxadeeda ka dhex aragtay inay iska hor keento shacabka Oromada iyo kan Soomaalida si bal ay uga yara nasato mudaharaadada iyo rabshadaha ay Oromadu wado, iskuna mashquuliso labada shacab ee dariska ah.

2: Inta ay Oromadu kusiijeedo colaada iyo dagaalka Soomaalida inay TPLF ka faa’iidaystaan oo ay iska dhigaan wax sidii maslaxo iyo waan-waan dhex dhigaya labada shacab laakiin ay hoosta kala safan hayaan Oromada taas oo ah kasbasho siyaasadeen si ay isu dhawaansho iyo soo dabac uga helaan Oromada una joojiyaan rabshadaha.

3: Hadalka Jawhar Maxamed oo cadayn u ah nacaybka uu Soomaalida u qabo, qaybna ka yahay xasuuqa shacabka Ogadeniya.

Aduunyadan aynu joogno waxaa soo maray gumaysiyo kala duwan oo ka sinaa xasuuqa shacabka, hadaba hadii aynu sooqaadano qaar ka mid ah xasuuqyadii ugu caansanaa ee dunida ka dhacay waxaa ka mid ahaa:-

Xasuuqii Bangaladesh (1971): Shacabka Bangaladesh ayaa iskood u go’aansaday in ay noqdaan dal gooni ah, balse Pakistaan ayaa aad uga cadhootay arinkaas, taasna waxa ay sababtay in uu ka dhaco dagaal lagu xasuuqay maato iyo caruur Bangaladesh ah, dad aad ubadan ayaa lagu xasuuqay, kuwaas oo aan waxba galabsan, laakiin aakhirkii waxay ku gulaysteen inay madax banaani helaan o ay go’aan.

Xasuuqii Cambodia (1975-79): Golihii sare ee kacaankii ku dhisnaa shuuciyadda ee lagu magacaabi jiray Khramer Rouge ee ka dilaacay dalka Cambodia isla markaana uu madaxda ka ahaa Pol Pot ayaa beegsaday Muslimka laga tirada badan yahay ee Cham kuwaas oo ah Shiico halkaas dagneyd muddo badan.

Tiro aan la hubin oo u dhaxeysa 1.5-3 Million oo qofood ayaa lagu dilay xasuuqan, kaas oo kusaleysnaa naceyb iyo cuqdad loo qaaday qawmiyaddaas laga tirada badan yahay ee Cham kuwaas oo mararkii dambe is goos goos ah kaga guurayay dhulkaas.

Ma jirto cid iswayddiisay sababta dadkaas loo dilay, balse sida muuqata xasuuqyada inta badan waxa ay ka dhashaan xummaan iyo kala arragti duwanaasho diimeed kaas oo marka dambe sabab u noqda in dad badan ay dunida ka huleellaan.

Xasuuqii Bosnia (1992-1995): Hogaamiyihii daacada ahaa ee Yogaslavia Tito ayaa dunida iskaga hijrooday, intii xukunkiisu uu jiray qawmiyadihii ku midaysnaa dalada Yogaslavia waxa ay ahaayeen kuwa kujiray teendho nabadeysan iyo maalmo wax wada qabsi ah, hasa yeeshee geeridiisa kaddib, waxaa dhacday in Muslimka laga tirada roonyahay ee kasoo jeeda qawmiyadda Bosniaka oo hadda sameysta dawladda Bosnia iyo qawmiyadda Croat-ka oo hadda ah dadka ku midoobay dalka Croatia oo iyagana ahaa Kirishtaan Kathoolig laga badan yahay ayaa go’aansaday in ay si iskooda ah u noqdaan dawlad gooni ah, warkaas waxaa dhag jalaq usiin waayay Serbian-kii tirada badnaa ee ku xidhnaa Kaniisadda Bari islamarkaana ahaa Asal-raacyo (Orthodex) wada mitid ah, taas oo keentay in uu dhaco xasuuqii caanka ahaa ee Srebrenica kaas oo ay kudhinteen dad badan oo caruur iyo haween u badan.

Hadaba xasuuqa shacabka Soomaalida Ogadeniya waa mid wax badan kaga duwan kuwaas aynu ka soo sheekaynay, sababtoo ah shacabkan Soomaalida Ogadeniya waxaa loo diiday in saxaafadu tabiso oo ay hay’adahu booqdaan, Ogadeniya waxay noqotay meel ay adag tahay in muslimiinta caalamka war iyo wacaal ka helaan, gumaysiga Itobiya ayaa caan ku ah falalka wuxuushnimada ah, waxaana marka aad aragto habka ay u dhaqmayaan soo xasuusanaysaa gumaysigii Tataarka iyo gumaadkii ay kula kici jireen muslimiinta.

W/Q Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay