TV-ga ESAT ee ku hadla afka mucaaradka Itoobiya ayaa helay cajalad muuqaal ah oo laga soo duubay golaha Wasiirada Itoobiya, kuwaas oo sida muuqata ay udhaxayso dood adag oo markii dambe isu rogtay gacan qaad iyo is aflagaadayn.

Sida muuqaalka kamuuqata qaar kamid ah wasiirada wayaanaha ayaa leh meesha aan kukala tagno dadkeenii waa lagumaaday, wadankii wuu burburayaa, amaankii faraha ayuu kabaxay, dhaqaalihii waa laga faraxashay wuxuuna wasiirku golaha waydiinayaa inagu cida aan matalo waa kuwee?

Sidoo kale waxaad muuqaalka ka arkaysaa qaar kamid ah wasiirada oo difaacaya xukuumada wayaanaha iyo qaabka ay wax usocdaanba waxaana xubnaha fikirkaas qaba si adag ula hadlaya qaar kamid ah wasiirada wayaanaha ee kulanka soo xaadiray.

Sidoo kale qaar wasiirada kamid ah ayaa ku dhawaaqaya waa in la helaa cida mas’uuliyada qaadanaysa, ma wasiiradaa? Ma baarlamaankaa? Mise waa raysal-wasaara? Taas oo u muuqatay in laraadinayo in loosaariyo dhibaatooyinka wadanka kajira.

Guud ahaan wadanka Itoobiya waxaa kajira khal khal guud oo hay’ad kasta saameeyay, waxaa fadhiyadoodii ku kala kacay golahii baarlamaanka wayaanaha, sidoo kale waxaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday shirkii ururka EPRDF oo mudo socday, dhinaca kale ciidamada ayaa sheegay in ay talada lawareegi doonaan hadii aan wax labadalin, sidaas darteed waxaa jira isku dhex yaac guud oo saameeyay dhamaan hay’adaha kala duwan ee xukuumada wayaanaha.

Dadka siyaasada ka faalooda ayaa sheegaya mar hadii golahii wasiiradu uu halkaas marayo in ay dhamaatay dowlad nimadii iyo nidaamkii meesha kajirayba, waxayna falanqeeye yaashu sheegayaa in wadanka Itoobiya gurmad wayn ubaahan yahay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay