Shalay oo Axad ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 24/12/17 waxaa kulan muhim ah isugu yimid mas’uuliyiinta iyo howlwadna hogaanka abaabulka iyo arimaha Jaaliyaadka HAAJ, iyo waliba madax katirsan JWXO.

Kulankan oo ku qabsoomay khadka isgaadhsiinta ayaa kubilowday jawi dagan waxaana furay Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Jaaliyaadka HAAJ mudane Maxamed Rashiid Sheekh Cabdulaahi.

Furitaankii kulanka kadib waxaa lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Dibada ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO mudane Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maaday).

Mudane Maaday ayaa khudbadiisa diirada kusaaray marxalada cusub ee halganku uu galay iyo isbadalada laga filayo geeska africa, wuxuuna hogaanku qeexid kusameeyay wadahadaladii udhaxeeyay ONLF iyo Itoobiya iyo meesha ay marayaan.

Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyay xoghayaha golaha dhexe ee JWXO halgame Maxamed Cabdi Yaasiin (diirane) wuxuuna mudane Diirane siwayn uga hadlay marxalada ay Itoobiya marayso iyo sidii loola jaan qaadi lahaa iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa isbadalada jira.

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen madaxda JWXO, xidhiidhiye yaasha qaaradaha, gudoomiye yaasha jaaliyaadka, aqoonyahan iyo tababarayaal ayaa loo ogolaaday in ay xubnuhu fikiradooda dhiibtaan waxaana khudbado dhaadheer laga dhagaystay todobada xidhiidhiye ee Jaaliyadaha.

Sidoo kale waxaa fikirkooda laga dhagaystay gudoomiye yaasha jaaliyadaha JWXO ee aduunka waxayna mas’uuliyiintii hadashay madaxda JWXO waydiiyeen su’aallo aad ubadan oo intooda badan laxidhiidha marxaladaha lamarayo.

Sidoo kale madaxdii kulanka soo xaadirtay ayaa si waafi ah uga jawaabay dhamaan su’aalihii ay gudoomiye yaashu waydiiyeen, waxaana si qurux badan usoo dhamaaday kulankii dhex maray hogaanka HAAJ iyo madaxda JWXO.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay