Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Gambeella ee gacanta wadanka gumaysiga Itoobiya kujira ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay labo baabuur oo u raraa saraakiil ciidamada wayaanaha katirsan.

Sida xogta aan kuhelayno baabuurtan oo waday saliida cuntada iyo agab kale ayaa uraraa saraakiil sar sare oo u dhashay qoomiyada talada wadanka Itoobiya ku amar kutaaglaysa ee Tigree, waxaana la sheegayaa in ay baabuurtu kasoo kici timeen wadanka dariska ah ee Koonfurta Sudan.

Ciidamada amaanka ee Gobolka Gambeella ka howlgala ayaa sida lasheegayo qabtay baabuurtan oo siday saliida cuntada iyo bagaash kale, waxayna ciidanka amaanku ogaadeen in baabuurtu ay u raran yihiin saraakiil katirsan ciidamada wayaanaha, waxayna bilaabeen baadhitaan ay ku xaqiijinayaan cida iska leh baabuurta iyo waxa saaranba.

Saraakiisha ciidamada wayaanaha ayaa bilihii lasoo dhaafay mashquul ku ahaa ganacsi iyo musuq maasuq, taas oo timid kadib markii dadkii shacabka ahaa ay ku adkaatay in ay soodajiyaan wax badan oo loobaahan yahay, isla markaana ay saraakiishu ogaadeen in ay hanti badan kasamayn karaan ganacsiga noocan oo kale ah.

Ciidanka wayaanaha ayaa bilihii lasoo dhaafay iibinayay Jaadka (qaadka) oo ka istaagay Gobolo badan oo dalka iyo dibadiisaba ah kadib markii ay qoomiyada Oromadu colaad ku abuurtay deegaanada ay ood wadaagta yihiin, waxaana la arkayay ciidanka gumaysiga oo diyaaradaha qumaatiga ukaca ee ciidanka ku sida qaad iib ah.

Saraakiisha ciidanka wayaanaha ayaa ganacsigan noocan ah u adeegsada baabuurta ciidanka oo wixii lasaaro loo kala gudbin karo gobolo kala fog, waxaana wadanka Itoobiya caan ka noqday musuq maasuqa baahsan ee ciidamadu ay ku lug yeesheen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay