Dalka Mareykanka Sabtidii ayaa xaakim heer federal ah waxa uu hor-istaagay qaybo ka mid ah sharcigii xayiraada socdaalka ee Madaxweyne Trump ee xadidayay soo galitaanka dalkan ee qaxootiga ka soo jeeda dhowr wadan oo Islam u badan, Soomaaliyana ay ku jirto.

Qareenka xukunkan riday ayaa taageeray kooxo ku doodayay in sharciga Madaxweynaha uu ka hor-istaagayo dadka shisheeye in ay la midoobaan qoysaskooda horay u sii joogay Mareykanka.

Goaankan ay soo saartay maxkamadu ayaa qayb ahaan qaadaya xayiraadii madaxwayne Trump, wuxuuna go’aankanu fursad uyahay dadka ehelka ah ee kukala sugan Maraykanka iyo wadamada dadkooda xayiraada lagu soo rogay.

Xayiraada lagu soo rogay wadamadan dhowrka ah ee muslimiinta ubadan ayaa kadambaysay balanqaadkii madaxwayne Trump uu sameeyay xiligii doorashada lagu guda jiray.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay