Xafiiska Qaramada Midoobay (QM) ee Soomaaliya ayaa madaxda Dowlada ku booriyay in ay dib u eegista soo socota ee IMF 2018 ay ka dhigaan mid hufan sida tii 2017 da oo guul muhiim ah ay ka soo gaadhay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya.

Hey’adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa qiimaysay waxqabadka Wasaarada Maaliyada Soomaaliya iyadoo la raacayo Barnaamijka SMP oo ah kormeer ay sameeyeen shaqaalaheeda taas oo lagu tilmaamay mid lagu qanacsan yahay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Wasaarada Maaliyada 2017ka.

Warkaan oo lagu shaaciyay Bogga Xafiiska UN ka ee Soomaaliya ayuu Michael Keating ku tilmaamay guul usoo hoyatay Qaranka Soomaaliyeed tilaabadii Wasaarada Maaliyada ee ahayd in la hagaajiyo maamulka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda dowlada Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale ayaa horaantii Bishan Shir uu Nairobi kula yeeshay Masuuliyiin ka socotay Hey’adda Lacagta Aduunka oo shirkoodii kadib ay IMF soo saartay Warbixin ay ku xaqiijinayso Kalsoonida Soomaaliya ee Maaliyada Dalka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay