Waxaa aduunka la kala dhaxlaa taariikh wax ku ool ah, waxaana kuu muhiim ah hadii aad tahay xaq raadiye u halgama Aayaha dadkiisa Soomaaliyeed ee Ogaadeenya inaad barato taariikhda dalkaaga hooyo ee Ogadeniya si aad u dhaxasho taariikhdaa oo adigana lagaaga dhaxlo midaa mid lamid ah.

Halyay kasta waxa uu aduuunkan ka dheel maadaa maalin asagoo leh sumcad taariikheed oo uu bulshadiisa la wadaago iyo sumado isaga markaas u gaar ah. Hadaba halgamayaashii hore ee Soomaalida Ogadeniya waxay ahaayeen kuwa  matala dadwaynaha Soomaliyeed ee Geeska Africa ku nool, haatana kuwa kuwaas lamid ah ayaa jira oo caan ka ah Guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaan gayiga Soomaalidu degto, waxayna qaateen fikirkii ahaa “Dowlad iyo dad xor ah”.

Gumaysiga Ethiopia ayaa waxuu marwalba isku dayaa inuu baabi,iyo Taariikhda dahabka ah ee halyeeeyo kamid ah kuwii la dagaalamay Gumaysiga waxuuna ku tilmaamay inay ahaayeen dad Ethiopian oo Axmaaro ah taas oo runtii meel ka dhac wayn ku ah Sumcadda halgamayaashii u dagaalamayay Gobanimada Iyo Sharafta  Dhulka Ogaadeenya ee ay haatan Ethiopia Gumaysato iyo guud haanba Gayiga dadyowga Soomaaliyeed.

Taariikhdan  ay Ethiopia rabto inay dhalan rogto ayaa ah mid ay ka damacsan tahay waxyaalo badan ayadoo uga dan leh in jiilka soo kacayaa ay aaminaan inay yihiin dad Ethiopian si loo hilmaansiiyo oo aan ubadka soo koraya loo barin Cadaawadii ka dhaxaysay Soomalida Ogadeniya iyo Gumaystayaashii xabashta ee dalkeena xooga ku haystay mudooyinka badan.

Dhamaanba Ilaha ka hadlaya taariikhdii dhabta ahayd ee dhulka Ogadeniya Iyo colaadii u dhaxaysay xabashta iyo Soomaalida ayaan lagu qaadan dugsiyada tirada yar ee ku yaala Ogadeniya,  ayadoo aad arkayso mararka qaar iyadoo taala madxafyada waawayn ee xataa Gumaysiga Ethiopia leeyahay.

Wakhti aan ku sugnaa Gudaha Ogadeniya ardayna aan ka ahaa Jaamacadda Haramaaya University ayaa waxaan galay madxaf ku yaala jaamacadda Haramaya  Universaty waxaana ku arkay Taariikhda Ogadeniya oo dhamaysiran waxaan isku dayay inaan buugaas soo qaado qaar kamid ah oo aan keeno Jaamacadda Jigjiga University si ay u Akhristaan Ardayda Magaalada Jigjiga wax ka barta laakiin way ii suurta gali wayday waxaana la ii sheegay inaan kaliya akhrisan karo oo aanaan qaadan karin buugaas taariikhda ah.

Taariikhda oo Kooban

Sanadkii 1529-1541-dii waxaa socday Halgankii uu Hogaaminayay Iimaam Axmed Ibraarim Qazali (Axmed Guray).

Sanadkii 1864-tii waxaa dhashay Geesigii weynaa Sayid Mohamed Cabdule Xassan.

Sanadkii 1885-tii waxaa dhacay Shirkii Baarliin ee Africa lagu qaybsaday.

Sanadkii 1887-dii Abasiiniya/ Itoobiya ayaa Qabsatay Magaalada Herar, (Adari).

Sanadkii 1894-tii waxaa dhacay heshiis qarsoodi ahaa oo dhexmaray Ingiriiska iyo Itoobiya kaas oo ay ujeedadiisu ahayd in Ogaadeenya lagu wareejiyo Itoobiya.

Sanadkii 1896/1/1-dii waxaa dhacay heshiiskii ilaalineed ee dhexmaray Ingiriiska iyo Odayaal dhaqameedkii Ogaadeeniya.

Sanadkii 1897-dii waxaa dhacay heshiis Ingiriiska iyo Itoobiya u dhexeeyay oo ay ku samaynayeen Xuduud beenaad aan jirin.

Sanadkii 1895-tii Sayid Mohamed Cabdule Xassan ayaa bilaabay Halgankii Daraawiishta ee uu hogaaminayay.

Sanadkii 1921-dii ayay burburtay Daraawiishtii kadibna Sayid Mohamed Alle ha unaxariistee wuxuu ku geeriyooday duleedka Magaalada Iimay-Galbeed.

Wareejintii Dhulka Ogaadeeniya.

Sanadkii 1942-dii ayuu Ingiriisku bilaabay wareejinta Ogaadeeniya wuxuuna Sanadkaas Itoobiya ku wareejiyay Gobolka Jigjiga iyo Galbeedkiisa.

Sanadkii 1943-dii waxaa lawareejiyay Gobolka Shiniile oo kaliya.

Sanadkii 1944-tii waxaa lawareejiyay Fayaanbiiro ilaa Wabishabeele.

Sanadkii 1948-dii /9/23/keedii waxaa la wareejiyay dhulka intiisii kale markii laga reebo dhulkii uu Ingiriisku odhan jiray Haud And Reserve Area.

Waxaana Magaalada Jigjiga xiligaas ka dhacay Rabshado kagaga soo horjeedo bixinta dhulka Ogaadeeniya rabshadaas Diidmo waxaa ka qayb galay Garaad Makhtal Daahir.

Sanadkii 1954-tii waxaa la wareejiyay dhulkii uu Ingiriisku u yaqiinay Haud and Reserve Area oo ahayd dhinaca Waqooyi Galbeed Soomaliya ay Gobolada Dhagaxbuur, Qoraxay iyo Doollo kaga aadanyahiin.

Sanadkii 1955-tii 28- February ayuu Ingiriisku si dhab ah shaaca uga qaaday wareejinta Ogaadeeniya.

Sanadkii 1956-dii /25/August  Ayuu Xayle Salaase oo Xiligaas Boqor u ahaa Xukuumaddii Ethiopia waxa uu yimid Magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay kadibna shacabkii Magaalada ayuu u sheegay inay kamid yahiin Bahwaynta Itoobiya wax uu ku sheegay.

Sanadkii 1960-kiina waxaa Magaalada Dhagaxbuur ka dhacay Xasuuq la odhan jiray “Xasuuqii Kanooniga”  waxaana xasuuqaas ku naf waayay 70 qof oo Shacab ah.

Aas aaskii Ururadii Gobanimo doonka ahaa.

Sanadkii 1963-dii /13/May waxaa la aas aasay Jabhadii Xoraynta Ogaadeeniya (JXO) oo markii danbe isu badashay Jabhaddii Nasrullaah Hogaankana lawareegtay markaasi.

Sanadkii 1973-dii waxaa la aas aasay Xizbigii Xoraynta Ogaadeeniya (XXO) laakiin waxaa la sheegaa inuu durba burburay Xizbigaasi.

Sanadkii 1976-dii waxaa la aas aasay Jabhadii Xoraynta Somali-Galbeed (WSLF) oo mudo badan dagaalo lagu naaftay la gashay Askartii Ethiopia.

Sanadkii 1977 – 1978 waxaa dhacay Dagaalkii Ogaadeeniya, oo hadda loo yaqaano dagaalkii 77 (Ogaden War).

Sanadkii 1984-tii /8/15/ waxaa la aas aasay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO) (ONLF) oo iyadu noqotay Jabhaddii ugu faca weynayd Jabhadahaasi Ogaadeenya u soo dagaalamay illaa hadana dagaal kulul kula jirta Ethiopia.

Sanadkii 1991-dii ayay JWXO furtay Xafiisyadeedii ugu horeeyay.

Sanadkii 1992-dii /2/8-12/ waxaa dhacay Shirwaynahii Magaalada Garbo lagu qabtay.

Sanadkii 1992-dii /9/ waxaa dhacday Doorashadii Ogaadeeniya oo ay ONLF 85% ku guulaysatay Kuraastii Baarlamaanka.

Sanadkii 1993-dii /1/23/ waxaa dhacay kalfadhiigii Baarlamaanka Ogaadeeniya oo C/laahi Maxumed Sacdi Madaxwayne loogu doortay Godeyna looga dhigay caasimad.

Sanadkii 1993-dii /bishii June, ayay Itoobiya ku qasabtay in la badaloMadaxwayne Sacdi waxaana Mar labaad Wadanka loo doortay Xassan Jire qalinle.

Gumaysiga Ethiopia oo ay caado u tahay siyaasad munaa faq nimo ayaa waxa uu bilaabay inuu weeraro xarumihii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya taas oo ay hogaankii dalka ee ay shacabku sida xorta ah usoo doorteen cagta ay marisay Ethiopia.

Sanadkii 1993-dii /2/21/ waxaa dhacay Dagaalkii ugu horeeyay ee dhexmaray Askartii TPLF Iyo ONLF oo kadhacay Tuulada Birqod ee Gobolka Jarar waxaana Wayaanaha laga dilay dagaalkaas 105 Askari.

Sanadkii 1994-dii /2/22/ waxaa dhacay Dagaalkii Wardheer oo ay ku naf waayeen dad Shacab ah oo kor u dhaafay 56 qof oo shacab ah kaas oo ay Askartii TPLF ku doonaysay inay ku qabato Gudoomiyahii ONLF Sheekh Ibraahim Cabdalla oo halkaasi ku sugnaa balse shacabkii Magaalada Wardheer oo ay gaabayeen Cutub kamid ah CWXO ayaa doonistii Askarta TPLF fashiliyay.

Waxaana intii xiligaas ka danbeeyay la si toos ah loo iclaamiyay dagaal hubaysan in lala galo Xukuumadda TPLF hogaamiso ee Ethiopia  kaas oo ilaa iyo maanta ay Jwxo ku baadi goobayso xoriyad laga qaato Gumaysiga madaw ee xabashta waxaana la gaadhay inta uu dagaalku socday guulo la taaban karo o dhankasta ah sida dhinaca Deplomacyyada Ciidanka iyo Bulshadaba.

Waxuuuna  Gumaysigii xabashtu galay hafasho iyo inuu ku hafto dagaalada lagu naafayn hayo Ciidankiisa doolka ah ee jooga Ogadeniya, waxayna shacabka Ogaadeeniya Iyo Jabhadooda JWXO ba rajaynayaan in dagaalkii ay la galeeen Gumaysiga Ethiopia uu joogo maanta guushii ugu dambaysay.

Guuul iyo gobonimo.
Halgan iyo Habeen guur.
Guuul Ama Geeri.

W/Q.  Wariye Faysal Shilaaabo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.