Waxaa jira dhibaatooyin kala duwan oo uu cadawgu soo gaadhsiiyay shacabka Somalida Ogaadenya kuwaas oo isugu jira dil, dhac,  xidhay, iyo jidhdiil. Sidaad wararkii hore ku hesheen waxaa magaalada Gunagado iyo nawaaxigeeda Ciidamada gumeysigu ka geysteen Xasuuq iyo Baro kicin. Dhacdadan ayaa ah mid guud ahaanba dhulka Ogadeniya si qorsheysan bishaan Febraayo uga socotay.

Amarkan oo ah amar ay Saraakisha TPLF ay kusoo amreen in xasuuq qorsheysan lagageysto dhulka Ogadeniya. Waxaana soo gaadhay sidaan horey idiinku sheegnay Magaalada Jigjiga Saraakiil kasocota Ciidamada TPLF iyo Wasiirada TPLF oo qiimeyn ku sameeyay Xasuuqa ay geysteen ciidamada Woyanaha ah iyo Liyuu Poliska Labadii Bilood ee ugu danbeeyay. Waxa ayna u jeedadoodu tahay inay helaan dad somali ah oo ay qoorta u galiyaan danbiyada ay Woyanahu ka geystaan Ogadeniya- haddii ay dhacdo in la horkeeno maxkamada Hague.

Ujeedada kale ee bishan Febraayo xasuuqa u geysanayaan ayaa iyana lagu sheegay  inay Bishan Febraayo  aheyd bil ay Ummada Somalida Ogadeniya Qiimeyn kusameyso Halganka ay hormuudka u tahay JWXO oo bishii Febraayo 1994 xasuuq balaadhan ay ciidamada Tigreegu ka geysteen dhulka Ogadeniya. Ciidamada Woyanaha ayaa dilalka badan iyo xasuuq ka geysta sanadkasta bisha Febraayo iyaga oo iskudayay in shacabka iska horkeenaan.

Dhuxun Iyo Birqod

Ciidamada gumeysiga ah ee Ethiopia ayaa xidhay, dhac iyo dil badan ka geystay bishan Febraayo Gudaha Ogadeniya. Waxaana maalmihii  ugu danbeeyay lagu xidhay Magaalada Birqod iyo Dhuxun dad ay naga soo gaadheen magacyada kala ah:

 Shafeec xasan  nuur oo lagu xidhay Birqod,

 Iyo  degmada dhuxun oo lagu xidhay

Tamaan  cabdi-wali aadan

Wararkan wixii ka soo kordha dib ayaan ka soo sheegaynaa

Boob, XIdhay Iyo Dilal dhacay Febraayo

4/2/12 waxaa magaalada sagag lagu xidhay

Junaydh axmed cali

Xamdi shariif

 16/1/12/ waxaa magaalada Birqod  xadhi iyo dhac wada socda loogu gaystay  gabdhaha kala ah

Xaliimo nuur cali   dhac iyo xadhig  6000 bir

Bishaaro cabdulaahi  xadhig iyo dhac 4000 bir

6/2/12 waxaa magaalada  Qabridahar jidh dil iyo xadhig loogu gaystay  dadka kala ah

Khadra cabdi naasir magan

Hure gamaadiid

Bishaaro sheeklh yuusuf ismaaciil

Sidoo kale waxaa isla taaiikhdaa  dhac loogu gaysatay Tukaale oo ka tirsan Fiiq

Camanje daahir guhaad  oo laga dhacay 18 neef  Adhi ah

5/2/12  waxaa magaalada sagag lagu dilay 

Cabdi wahaab ismaaciil cumar askar

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay